Khilaaf xoogan oo ka taagan soo xulista xildhibaanada cusub ee Galmudug

Wararka laga helayo magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegaya in khilaaf xoogan uu ka taagan yahay soo xulista Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug.

Odayaasha beelaha qaarkood oo lagu xareeyay magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa la soo sheegaya in ay ku hawlan yihiin soo xulista Golaha Wakiilada Galmudug.

Tani ayaa waxaa barbar socota qaylo dhaan ka soo yeeraysa odayaasha kale ee beelaha degga Galmudug, iyagoona Guddiga Farsamada ee Dhismaha Galmudug ku eedeeyay in uu wax is daba-marin ku wado soo xulista xildhibaanada cusub.

Guddiga Farsamada ee Dhismaha Galmudug ayaa ah midkii ay soo magacawday Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliya, 8dii bishii October ee sanadkii 2019.

Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa Isniintii gaaray magaalada Dhuusamareeb, waxaana soo baxaya warar sheegaya in uu u tagey xalinta khilaafka hareeyay Baarlamaanka cusub.

Ra’iisal Wasaare Khayre ayaa magaalada Dhuusamareeb ka bilaabay kulamo lagu doonayo in lagu dardar-geliyo dhismaha maamulka cusub.