Kim Jong-un: Mareykanku hanaga qaado cunaqabateynta, haddii kalena ha fisho “Haddiyad Kirismaska”

Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un ayaa sheegay inuu soo afjarayo hakinta nukliyeerka iyo tijaabada gantaallada riddada dheer, sidii la isku afgartay wadahadalladii uu dalkiisa la yeeshay Mareykanka.

Mr Kim ayaa sidoo kale sheegay in dalkiisa uu dhowaan soo saari doono “hub cusub”. 

Balse wuxuu albaabbada u furay wada xaajood, isagoo sheegay in xaddiga tijaabada hubkiisa ay ku xirnaan doonto sida uu Mareykanku u dhaqmo.

Wadahadalladii Mareykanka iyo Kuuriyada Waqooyi ayaa burburay iyadoo xukuumadda Washington ay ka biya diidday inay cunaqabateynta ka qaaddo Kuuriyada Waqooyi ilaa ay Pyongyang si buuxda u joojiso barnaamijkeeda nukliyeerka.

Kuuriyada Waqooyi ayaa dhowr gantaallo tijaabisay dabayaaqadii sanadkii tegay ee 2019, tijaabadaas oo loo arkayay inay cadaadis ku saareyso Mareykanka.

Balse joojinta tijaabada nukliyeerka iyo gantaallada riddada dheer ee gaari kara dhulka Mareykanka, waxay aasaas u ahaayeen wada xaajoodyadii uu dalkaasi la yeeshay Mareykanka.

Pyongyang ma aysan fulin tijaabooyin noocan ah tan iyo sanadkii 2017. Tijaabo dheeraad ah oo ay sameyso ayaa laga yaabaa inay caro geliso madaxweyne Donald Trump, iyadoo Mareykanku uu galayo sanad doorasho. 

Muxuu yiri Mr Kim?

Isagoo ka hadlayay shir dhif ah oo dhacay maanta, ayuu Kim Jong-un ku sheegay in Kuuriyada Waqooyi aysan sii wadi doonin ballanqaadkeeda, iyadoo Mareykanku uu dhoollatus milatari la sameynayo Kuuriyada Koofureed, isla markaana uu kordhiyay cunaqabateynta Kuuriyada Waqooyi. 

Projectile being fired from a mobile launcher in North Korea - undated image via KCNA
Image captionKuuriyada Waqooyi ayaa dhowr gantaal tijaabisay sanadkii 2019

Wuxuu sidoo kale ku hanjabay in “dunidu ay arki doonto hub cusub” oo ay Waqooyigu sameysato “mustaqbalka dhow”, balse wax faahfaahin ah kama bixin.

Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi ma uusan carrabaabin magaca Donald Trump ama Kuuriyada Koofureed, taas oo dadka wax indha indheeya ay u arkeen inuu adeegsaday luqad jilicsan si ka duwan tii adkeyd ee bilihii la soo dhaafay uu adeegsan jiray.

Wuxuu ka hadlayay shir ay isugu yimaadeen hoggaamiyeyaasha xisbigiisa oo ka dhacay Pyongyang, kaas oo aan ahayn mid caadi ah marka loo eego xilligan. Caadi ahaan waxaa laga filayay Mr Kim inuu jeediyo khudbad ku saabsan Sanadka Cusub, balse wuxuu u muuqday inuusan taas sameyneyn sanadkan.

Isagoo ka jawaabaya hanjabaadihii ugu dambeeyay ee hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi, ayaa Mr Trump wuxuu weriyeyaasha u sheegay in isaga iyo Mr Kim “ay saxiixeen qandaraas, kaas oo ku saabsanaa baabi`inta nukliyeerka”. 

“Waxaan u maleynayaa inuu yahay nin ballan leh,” ayuu yiri, isagoo ku sii jeeday xafladda Sanadka Cusub oo ka dhacaysay Florida.

Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Mike Pompeo ayaa sheegay inuu rajeynayo in Kuuriyada Waqooyi ay nabad ka door bidi doonto dagaalka.

Sidee ayuu xaalku heerkan ku soo gaaray?

  • Guud ahaan sanadkii 2017, Kuuriyada Waqooyi waxay tijaabineysay ganatallo gaari kara dhulka Mareykanka. 
  • Bishii January 2018, Kim Jong-un ayaa sheegay inuu”diyaar u yahay wada xaajood” lala galo Kuuriyada Koodureed iyo Mareykanka. 
  • Mr Kim iyo Mr Trump ay kulan weji ka weji ah oo taariikhda galay ku yeeshay dalka Singapore bishii June 2018, iyagoo isku raacay baabi`inta hubka nukliyeerka.
  • Kim Jong-un ayaa sidoo kale dhowr jeer la kulmay Madaxweynaha Kuuriyada Koofureed Moon. 
  • Bishii February 2019, wuxuu mar kale Donald Trump kula kulmay dalka Vietnam balse wada hadallada ayaa ku soo idlaaday heshiis la`aan. 
  • Bishii June isla sanadkii hore, waxay shir kale ku yeesheen aagga milatariga ka caaggan ee kala qeybiya Waqooyiga iyo Koofurta. 

Balse xiriirka u dhaxeeya Mareykanka iyo Kuuriyada Waqooyi ayaa sii xumaanayay bilihii ugu dambeeyay ee sanadkii tegay. 

U.S. President Donald Trump shakes hands with North Korean leader Kim Jong Un as they meet at the demilitarized zone separating the two Koreas, in Panmunjom, South Korea, June 30, 2019.
Image captionMaalmihii is gacan-qaadka iyo isu dhoolla-caddeynta waxaa laga ayabaa inay haatan dhammaadeen

Bishii May ee sanadkii tegay, Kuuriyada Waqooyi ayaa durba dib u bilowday tijaabinta hubka riddada dhow – inkastoo gantaallada riddada dheer ay tijaabisay mar dhow, sidoo kale labada dhinac ayaa isku adeegsanayay hadallo adag.

Pyongyang ayaa xukuumadda Washington u qabatay dhammaadka sanadka cusub, si ay uga qaaddo cunaqabateynta, iyadoo ku hanjabtay in Mareykanku uu fisho “Haddiyadda Kirismaska” hadii uusan u hoggaansamin arrintaas.

Ilaa iyo haatan, Washington ayaa diidday inay cunaqabateynta ka qaaddo ilaa ay Kuuriyada Waqooyi si buuxda u joojineyso barnaamijkeeda hubka nukliyeerka.