Khilaafka Khaliikja iyo xalka Sayidkooda – FAALO

Hordhac:

Maalmahan ama bilowgii bishan waxaa si kadis ah uga bilaabmay wadamada khaliijka Carabta/ Beershiya khilaaf xoogan oo u dhaxeeya Qadar oo kaligeed ah iyo Sacuudiga,Imaaraadka, Baxreyn iyo Masar oo dhinaca kale ah, waxaana laga yaabaa dad badan in ay arintaasi ku noqotay kadis iyo lama filaan wayna u ekeyd sidaa.

Inakasta oo ay jirtay khilaafyo yar yar oo marar hore ka dhax qarxay wadamadan hadana sidan ma ahayn marna ma gaadhin xaaladan oo kale, oo sidaas la isku naco loona kala fogaado, hadaba maxay tahay sababtu? Maxaase la isku maagey? Oo la isku hiifey?

Waxaaa adag in aan wada ogaano tafsaasiisha waxa ay isku jiidheen nimankaas in badan sheegayaaney in ay iska xigaan dadka kale oo ay qaraabo dhaw yihiin.

Bilowga khilaafka

Waxaa inoo cad in khilaafku soo baxay booqashadii Trump ee  uu ku tagay wadanka Sucuudiga halkaasna u kula kulmay madax fara badan oo kala kala socotay wadamada Muslimka ah meeshaana uu kala laabtey hanti fara badan oo gaadhaysa 310 bilyan taasi oo Imaaraadka iyo Sucuudiga laga helay mise laga qaatey baan nidhaa.

Xoolahaas  sida aan warbaahinta ka maqalay waxaa lagu sheegay  in Sucuudigu ku iibsanaayo qalab milatari iyo maal gashiyo kale oo Mareykanaka ay ku sameynayaan, shirka dahwr cisho ka dibna waxaa soo baxday Qatar oo la cunabateeyey Bad, Bari iyo Cirba, waxaana bilaabmay dagaal aan qarsoodi lahayn oo la isku qaaday gaar ahaan xaga dublamaasiyada iyo warbaahintaba.

Qadar waxaa is garab taagey si aan kala hadh lahayn Turkiga iyo Iraan oo ku dadaalay in ay buuxiyaan ganacsigii ay Qatar ku waayi lahayd  cuna qabteyna wax badana labadan dal way buuxiyeen ama wayba fashileyeen wixii dalkaas yar lala damacsanaa.

Maxaa isku beegay booqashada Trump iyo khilaafka Khaliija? Su’aashaas waxa ay kaga jawaabeen dad badan oo u dhuun daloola arimaha Maraykanka iyo Carabta in markii Trump xoolahaas badan dalbaday uguna hanjabay wadamada khaliijka hadii ay bixin waayaan hantidaas badan in aanu ilaalin doonin ay  Qatar codsatay in dal walba kaligii waxa u yeelayo si madax banaan arinta uga jawaabo, laakiin waxaa loo sheegay in aanu arinku sidaa ahayn oo meel laga wada xukumo, markii ay ka gaws adayg tay Markaykan ma rabin in uu waysada iska jabiyo Qadar maxaa yeelay xidhiidh fiicana wuu la leeyahay saldhiga milatari ee bariga dhexena waa Xarunta Cudeyd oo Qadar bay ugu taalaa waxaa uu markaa u maray Imaaraadka iyo Sucuudiga kuwaas oo markiiba Qadar ka dhigay falaago.

Arinkaas waxa aad ku garanaysaa markii 5ta bishan June  warku soo shaac baxay waxa uu Trump markiiba bartiisa twiter-ka soo dhigay in ay Qadar  argagixisada taageerto hadii ay raaci waydo Sucuudigana dhamaadkeedii ay tahay, laakiin waxen marba Trump hadaladiisa cayda iyo hanjabaad ahaa aan taageerin xoghayayaashiisa arimada dibada iyo gaashaan dhiga oo iyaguna Qadar difaacaayey .

Waxaa muuqata in aanu Mareykanku doonan in meel xun arinka la sii gaadhsiiyo, laakiin Imaaraadka iyo Sucuudiga way la bariiqatey wax walbana way sameeyeen.

Warbaahinta dalalkan marka aad fiiriso waxaa  aad ku arkaysaa in ay meel xun ka marayso, laakiin dhibaatada heshay Sucuudiga iyo Imaaradka waxa ay noqotey midkoona ma laha warbaahinta u dhiganta Aljazeera oo kale taasina waxa ay Qadar siisey in ay mar walba kaga horeyso  gaadhsiinta macluumaadka iyo halka ay wax marayaan caalamka iyo carabtaba.

13 shardi oo aan la aqbali karin.

Qadar waxaa la soo hor dhigay  dhawaan iyada oo loo so marsiiyey safiirka Kuwayd ee Dooxa fadhiya  13 qodob oo ay yidhaahdeen hadii ay Qadar aqbasho waan ka qaadaynaa cunaqabteynta hadii kalana waa la is furayaa oo ma jiro waxa dib danbe la iskugu soo noqonayo.

Waxaa markiiba arinkaas diiday Qadar waxaana ku taageeray diidamdeeda xog hayaha arimaha dibada Mareykanka Reck Telarson oo sheegay in aanay waxni ahayn waxa la aqbali karo, waxaanu u sheegay wasiirada arimaha dibada ee Imaaraadka iyo Sucuudiga in ay Washington yimaadaan si ay arinka uga wada hadlaan, waanay aqbaleen waxaana u bilaabmay maanta iyo shalay wada hadal, iyada oo waliba uu joogo isla Markaykanka wasiirka arimaha dibada ee Qadar.

Arinkan madaama uu sayidkoodu soo fara galiyey waxaa dhacaysa in lagu dhameeyo wada hadal.

Sucuudiga iyo Qadar keebaa argagixasada taageera marka laga eego dhinaca Maraykanka? Waxaaa iska cad in Sucuudigu yahay meesha hawshaas laga abaabulo waxaana jirta in ay Maxkamad Maraykanka ku taala horay u xukuntay in Sucuudiga dal ahaan iyo kali kali ahaanba la soo ashkateyn karo iyada oo dhacdadii 11 September 2001 lagu eedaynayo, waxaa kale oo jirta in mooshin uu hor  yaalo  golaha wakiilada Maraykanka Congress-ka kaas oo sheegaya in Sucuudiga arinkaas loo ciqaabo,Qadar waxaas oo kale meelahaas kama yaalaan.

Hada 13kii qodob USA waxa ay ka soo reebtey laba qodob kaliya kuwaas oo ah xidhiidhka Akhwaanka iyo Qadar, iyo uruka Xamaas wixii kale waxa uu ka dhigay kuwo aan la yeeli karin, Imaaraadkii iyo Sucuudigiina meel ay hada qabsadaan oo ay ku dhagaan ayey la’ yihiin maadaama Sayidku labadan qodob kaliya u arkay dhib.

Warbaahinta Caalamka iyo sida ay uga hadshay arinkan.

Si xoogan oo dhinacyo kala duwan  leh ayey u qadaa dhigtey warbaahinta aduunku waxaanse ku koobsan doonaa laba wargeys  oo kala duwan sida ay arinka wax uga qoreen.

Midka hore waxaa la yidhaahdaa “ Yani Shafaq” waxaany ka soo baxdaa dalka Turkiga waxaaney ka qortey maqaal dheer oo ay cinwaan uga dhigtay “ ka hor inta aan Dabaabado lagu arkin dhulka Muqadaska ah” waxaanu ku soo gabagabeeyey hadalka maqaalkaas in arinkani yahay Dabin loo dhigayo Sucuudiga oo la rabo in isaga la galiyo arin aanu hadhaw ka bixin karin oo lagu burburinayo.

Kan labaadna waa wargeyska caanka ah ee ka soo baxa dalka Britain “ the guardian” waxaanu isna xooga saarey telefishanka Aljazeera kaas oo u cinwaan uga dhigay “ Aljazeera waxaa si dadban u maal galiyey Sucuudiga” waxaanu sheegay in sanadkii 1995 kii Sucuudigu maal galiyey telefishan Carabi ku hadla oo ay leedahay BBC-du kaasi oo ay Sucuudigu mar walba fara galin jireen siyaasada tafatirka TV gaas sanad ka dibna ay ugu hanjabtey in ay lacagta kala noqonayso, wayna kaga dhabaysay waana la xidhay, Qadarna buu yidhi waxa ay markaas abuureysay TV-geeda cusub waxaany la’ayd wariyayaal iyo xirfadlayaal ka qayb qaata , 150 ka mid ah khubaradaas warbaahintuna markiiba waxa ay ka hawl galeen ALjazeeraadaas cusub ee Qadar sameysay.

Gabagabo.

Arintan marka dhinacyo badan laga eego waxaa faa’iido ka helaya wadama Turkiga, Iraan iyo Israa’iil, labada hore waxaa durba ay shirkadahoodu u kala badinayaan suuqyada Qadar ee Sucudigu baneeyey halkaana kuwa Turkiga ayaad moodaa in ay wax badan durba heleen.

Israa’iil waxa ay horey xidhiidh ganacsi oo weyn la lahayd Imaaraadka hadana Sucuudigu marka uu geed uu qabsado waayo waa in uu iyada miciin bidaa waaney muuqataa durba sida Israa’iil looga soo dhaweeyey dhaxal sugaha da’da yare e Sucuudiga ee cusub.

Xasan Ciise – Suxufi