Sucuudiga oo beeniyey in Bin Naayif xabsi guri lagu soo rogay

Masuul sare oo Sucuudi ah yaa beeniyey warbixin uu qoray wargeyska New York Times oo sheegaysay in Sucuudigu xabsi guri ku soo rogay Amiir Maxamed Bin Naayif isla markaana laga mamnuucay inuu dalka dibaddiisa u safro ka dib markii Boqorka Salmaan-ka Sucuudigu ka qaaday xilkii dhaxal sugenimo kuna bedelay wiilkiisa Maxamed Bin Salmaan.

Wakaaladda wararka Reuters ayaa masuulkaa Sucuudiga ah ka soo xigatay inuu yidhi “Maxamed Bin Naayif, wasiirkii hore ee arimaha gudaha ee ruug caddaaga ahaa weli sidii buu u qaabilaa martida u timaad mana jirto wax xayiraad socdaal ah oo lagu soo rogay isaga iyo qoyskiisa toona”.

Wargeyska Maraykana ahi wuxuu warbixin uu baahiyey Khamiistii isagoo soo xiganaya afar masuul oo iskugu jira kuwo hore iyo kuwo haatan xilal haya oo ay aad isugu dhawyihiin qoyska boqortooyada Sucuudiga, ku sheegay in ay yidhaahdeen in Maxamed Bin Naayif “laga mamnuucay inuu boqortooyada ka baxo isla markaana lagu xukumay inuu xabsi guri ku joogo qasrigiisa” ku yaal magaalada Jiddah.

Laakiin masuulkan sare ee Sucuudiga ah ee la hadlay wakaaladda wararka Reuters, ayaa sheegay in uu aad uga xunyahay warbixinta uu wargeyskaasi baahiyey waxaanu ku tilmaamay mid “been abuur ah” waxaanu hadalkiisa ku sii daray in “Maxamed Bin Naayif damacsanyahay inuu sharciga la tiigsadao wargeyskaa”.

Wargeyska New York Times wuxu ku waramay in xayiraadda cusub ee lagu soo rogay Amiirka la casilay ee 57 jirka ah “looga gol leeyahay in laga hor tago mucaaradnimo suurto gal ah oo uu kala hor iman karo dhaxal sugaha cusub, Maxamed Bin Salmaan, oo 31 jir ah. Sidoo kalena ay tibaaxayso cabsida laga qabo in hadii Maxamed Bin Naayif shacabka dhex socdo ay keeni karto in dadka iyo qaar ka mid ah qoyska boqortooyada ee ka cadhooday isbedelkani ay taageeraan amiirka la casilay”.