Kim iyo Trump oo midba midka kale ku tilmaamay qof waalan

Kim Jong-un ayaa sheegay in maskaxda aan “fadhiyin” ee Trump ay ku qancisay in uu ku saxsan yahay hormarinta hubka dalkiisa Kuuriyada Waqooyi.

War qoraal ah oo naadir ah oo uu warbaahinta sii mariyay ayuu hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi ku sheegay in Trump ay “saamayn wayn” ka soo gaari doonto khudbaddii uu dhawaan ka jeediyay golaha loo dhan yahay ee Qarammada Midoobay.

Mr Trump oo hadalkaasi ka jawaabaya ayaa sheegay in “ninka waalan lool dhaqmi doono si uusan horay u arag”.

“Kim Jong Un ee Kuuriyada Woqooyi, oo sida muuqata ah qof waalan, oo aan dan ka lahayn dadkiisa gaajeysan ama dhimanaya, waxaa loola dhaqmi doonaa si uusan horay u arak”, ayuu yiri Trump.

Labadan dal ayaa bilihii u dambeeyay is waydaarsanayay dagaal afka ah oo sii kululaanayay.

Shiinaha ayaa ka hadlay dagaalka afka ah, wuxuuna sheegay in “xaaladda ay sii adkaaneyso, halisna ay noqotay”.

“Waa in dhinacyada oo dhan ay muujiyaan deganaan, halkii ay sii wadi lahaayeen daandaansiga”, ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda ee Shiinaha Lu Kang.

Ruushka ayaa dhankiisa u sheegay in deganaan la muujiyo. Afhayeenka Kremlin-ka Dmitry Peskov ayaa tilmaamay in “Moscow ay aad uga walaacsan tahay xiisadda sii huraysa”.

Madaxweynaha Maraykanka ayaa Talaadadii sheegay in haddii Maraykanka lagu qasbo in uu is difaaco uu guud ahaanba burburin doono, Kuuriyada Waqooyi.

 

Kuuriyada Waqooyi ayaa tijaabinaysay gantaallo aan baaxaddooda la sii saadaalinin. Waxayna tijaabisay nukliyeerkii Lixaad, inkastoo cambaarayn caalami ah ay ku mutaysatay arrintaas.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Kuuriyada Waqooyi oo horray khudbadda Trump ugu sheegay “eey ciyay” oo kale ayaa ka digay in dalkiisu uu badwayna Baasifik ku tijaabin doono ban haydarojiin ah, arrintaas oo ay kaga jawaabayaan hanjabaadda madaxweynaha Maraykanka.

Wakaaladda wararka Yonhap ee Kuuriyada Waqooyi ayaa wasiirka arrimaha dibadda ka soo xigatay in “bamkan uu noqon doono kii ugu awoodda badnaa ee noociisa ah.

Laakiin wuxuu intaa ku daray “in aysan ogayn ficilka ay qaadi doonaan maadaama amarka uu bixin doono hogaamiye Kim Jong-un.”