Madaxweyne Waare : Waa in siyaasada Arrimaha dibedda looga danbeeyo dowladda dhexe

Madaxweynaha cusub ee maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa sheegay arrimaha siyaasadda dibedda in ay wakiil ka tahay Dowladda Federaalka Soomaaliya, muhiimna ay tahay in looga dambeeyo.

Madaxweye Waare ayaa sheegay in doorka dowlad goboleedyada ay ku leeyihiin arrimaha siyaasadda dibedda in uu yahay talo bixin iyo farsamo oo kaliya, balse aysan aheyn in ay go’aan ka gaaraan siyaasada arrimaha dibedda.

“Xiriirka Caalamiga ah waxaa iska leh Dowlada Dhexe doorka uga furan maamul goboleedyada waa talo bixin waa farsamo waa danahooda iyo mashaariicdooda ay soo gudbiyaan.” ayuu yiri Madaxweyne Waare.

Laakiin waxaa uu dhinaca kala sheegay in mowqifka ay qaadatay dowladda dhexe ee dhaxdhaxaadnimada ah loo baahan yahay in ay labada dhinac ee iska soo horjeeda ku wada qanacsan yihiin, balse aan loo baahneyn in dhinac kaliya lagu raaligaliyo.

Aragtida madaxweynaha cusub ee Hirshabeelle ayaa ah mid ka hor imaneysa go’aanka ay qaateen hogaamiyayaasha dowlad gobolleedyada qaarkood.

Madaxweynayaasha dowlad gobolleedyada Koofurgalbeed,Puntland iyo Galmudug ayaa dhowaan cadeeyay in ay taageersan yihiin dalalka Sacudi Carabiya iyo Imaaraadka Carabta, sidoo kale waxaa go’aankaa hore u taageeray madaxweynihii kalsoonida lagala noqday ee Hirshabelle Cali Cabdulaahi Cosoble.