Kismaayo oo lagu dhisay gole ay ku mideysanyihiin dowlad goboleedyada

Kismaayo oo lagu dhisay gole ay ku mideysanyihiin dowlad goboleedyada

Hoggaamiyayaasha ku kulmay Kismaayo ee golaha dhistayLahaanshaha sawirkaMADAXTOOYADA JUBBALAND
Image captionHoggaamiyayaasha ku kulmay Kismaayo ee golaha dhistay

Kadib dhawr maalmood oo madaxweynayaasha shanta maamul goboleed ee Soomaaliya ay ku shirsanaayeen magaalada Kismaayo ayaa waxaa maanta lasoo saaray war saxaafadeed ay kaga hadlayaan waxyaabihii ay ku heshiiyeen.

War saxaafadeedka oo ka kooban 3 bog ayay kusoo saareen 16 qodob , qodobka ugu horeeyana waxa ay ku shaaciyeen in ay samaysteen gole loogu magacdaray Golaha Dowlada Goboleedyada, waxaana guddoomiye loo doortay madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, halka ku xigeenkiisa loo doortay madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare.

Qoraalka ayaa u badnaa cabasho iyo eedeymo waaweyn oo loo jeedinayo dowladda federaalka, oo ay ka mid tahay in aysan ka go’nayn hirgalinta nidaamka federaalka, qabashada doorasho qof iyo cod ah marka la gaaro sanadka 2020-ka iyo waliba in dowlad goboleedyada laga qadiyay deeqihii caalamka.

Madaxweynayaasha ayaa ku adkaystay in qodobka 53aad ee dastuurka la tixgaliyo, kaas oo dhigaya in dowlad goboleedyada ay dowladda dhexe kala tashato waxyaabaha masiiriga ah. Halka dowladda federaalka ay ku adkaysanayso qodobka 54 aad ee dastuurka oo awood buuxda u siinaya siyaasadda arrimaha dibada, lacagta iyo waxyaabo kale.

Ka Biloow Midig : Maxamed Cabdi Waare (Hirshabeelle), Shariif Xasan Sheekh Aadan (K/Galbeed), Axmed Maxamed Islaam (Jubbaland), Cabdiwali M Cali Gaas (Puntland), iyo Axmed Ducaale Geelle Xaaf (Galmudug)Lahaanshaha sawirkaMADAXTOOYADA JUBBALAND
Image captionKa Biloow Midig : Maxamed Cabdi Waare (Hirshabeelle), Shariif Xasan Sheekh Aadan (K/Galbeed), Axmed Maxamed Islaam (Jubbaland), Cabdiwali M Cali Gaas (Puntland), iyo Axmed Ducaale Geelle Xaaf (Galmudug)

Dhammaan waxa ay joojiyeen wadashaqayntii wasaaradaha dowlad goboleedyada ay la lahaayeen kuwa dowladda federaalka inta laga gaarayo isfaham rasmi ah, waxayna cabasho xooggan ka muujiyeen sharciyada ‘sida dhaqsiyaha badan’ loo meelmariyo iyada oo aanan la tixgalinin aragtiyadooda. Sharcigii ugu dambeeyay ee la ansixiyay waa kan isgaarsiinta oo dowlad goboleedyada horay cabasho uga keeneen.

Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada oo shalay booqday Goobweyn oo ah halka wabiga Jubba uu kaga daro badweynta HindiyaLahaanshaha sawirkaMADAXTOOYADA JUBBALAND
Image captionMadaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada oo shalay booqday Goobweyn oo ah halka wabiga Jubba uu kaga daro badweynta Hindiya

Mar sii horeysay wasiirka arrimaha gudaha iyo federaalka dowladda Soomaaliya mudane Cabdi Faarax Juxaa ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in dowladda federaalka ay diyaar u tahay in ay wadahadal laa gasho cid kasta oo ka fikir duwan.

Arrinta wali taagan ee Galmudug ayay madaxweynayaasha dowlad goboleedyada ku baaqeen in xal wadahadal ku yimid laga gaaro, waxayna ku baaqeen in farogalinta banaanka laga joojiyo, sida ay hadalka u dhigeen.

Dowladda federaalka ayaanan shirkan kasoo qeybgalin, mana jirto wax hadal ah oo ay wali kasoo saartay.

Shirka Kismaayo ayaa yimid kadib markii dowladda federaalka iyo dolwad goboleedyada ay isku khilaafeen, islamarkaasna la kala safteen muranka dublamaasiyadeed ee ka dhaxeeya dalalka carabta.

Dowladda Soomaaliya ayaa moowqif dhexdhexaad ah ka qaadatay khilaafka carabta, halka 3 maamul goboleed ay taageereen xulufada Sucuudiga.