Kulamadii Madax Goboleedyada Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta u socday oo la isku fahmi waayay – WARBIXIN

Waxaa la soo gaba-gabeeyay Kulamada qarsoodiga ahaa ee ka soconayay dalka Isutagga Imaaraadka Carabta ee ay ka qeyb galeen Madaxweynayaasha Maamul goboleedyada Puntland, Galmudug, HirShabeelle, Koonfur Galbeed iyo Juballand, ayna sidoo kale ka qeyb noqdeen Madax, diblomaasiyiin iyo saraakiil ka tirsan sirdoonka dalkaasi oo aan magacyadooda la shaacin.

Kulamadan oo qaatay muddo ku dhowaad afar “4” maalmood  ayaa warar soo baxay  ay sheegeen in la isku fahmi waayay jaan goynta siyaasadda iyo taageeridda shakhsi ay dowlad shisheeye ku hanweyneyd.

Ilo wareed lagu kalsoon yahay ayaa waxa ay sheegeen in Safiirka dalka Isutagga Imaaraadka Carabta u qaabilsan Soomaaliya Maxamed Axmed Cusmaan Alxamaadi oo aan lagu aqoon xilkasnimo diblomaasiyadeed iyo xushmad uu ku wargeliyay qaar ka mid ah siyaasiyiinta Soomaalida inuu soo afjari doono waxa uu ugu yeeray sii heysashada Beesha Hawiye ee Madaxtinimada Soomaaliya, isaga oo cadeeyay in dowladdiisu maalgelin doonto ololaha doorasho ee Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda waqtigeedii sharciga ahaa idlaaday  Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke .

Danjiraha Imaaraadka oo soo bandhigay liis ay ku qoran yihiin magacyada taageerayaasha Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee u tartamaya Golaha Shacabka ayaa muujiyay sida uu ugu kalsoon yahay in dadka tilmaaman ka xanibo helidda xubinnimda baarlamaanka, waxaana shakhsiyaadkaasi laga xusi karaa Faarax Sheekh  C/qaadir , Mahad Maxamed Salaad, Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen “Odowaa” iyo kuwa kale.

Sidoo kale waxaa liiskaas ku jira xubno kale oo ka tirsan urur diimeedyo iyo xisbiyo siyaasadeed, waxaana qorshaha Imaaraadka uu yahay sidii aanay Baarlamaanka wax xubin ah uga noqon laheyn xubnihii ka midka ahaa dhaq dhaqaaqyada urur diimeedyada Soomaaliya ee haatan saameynta ku leh siyaasada dalka.

Inkastoo xubnaha Baarlamaanka Aqalka hoose ay soo dooranayaan ergo gaareysa 14 kun ayaa Madaxda maamul goboleedyada waxay u gudbiyeen Mas’uuliyiinta Imaaraadka Carabta in aanay wax saameyn ku laheyn doorashadaas, maadaama ergo la soo xulay ay wax dooranayaan.

Imaaraadka Carabta oo dano dhaqaalle , mid siyaasadeed iyo mid ammaan ka raadsanaya Soomaaliya , si uu u fuliyo mashruuca Shirkadda DP World ay kula heshiisay Maamulka Somaliland ee maamulidda iyo horumarinta dekadda Berbera uu quud-dareynayo inuu rajo dilo musharixiin u loolamaya Xilka Madaxtinimo ee Soomaaliya , kuwaasi oo uu u arko kuwa hor istaagi kara damaciisa.

Kulan qarsoodi ah oo ka dhacay Muqdisho bishii June, 2016 ayaa la iskula soo qaaday in dalka laga ceyriyo Danjire Maxamed Axmed Cusmaan Alxamaadi oo ku xadgudbay anshaxa iyo xeerka diblomaasiyadda u degsan, si toos ahna u farageliyay siyaasadda gudaha, iyadoo xabsi loo dhaa dhiciyay Afar ruux Soomaali ah oo xogta dalka iyo amniga qaranka gudbin jirtay , hayeeshee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku gacan seyray xilligaasi in la soo saaro warqadda “Persona non grata” , waxa uuna cafis u fidiyay shakhsiyaadkii lagu helay dembiga .

Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta oo ah dowlad yar oo curdan ah marka loo eego taariikhda facaweyn ee jiritaanka dadka iyo dhulka Soomaaliyeed ayaa ku xeel dheer abuuridda qalaanqal siyaasadeed iyo mid ammaan, iyada oo adeegsaneysa lacagaha ay ka hesho iibgeynta shidaalkeeda.

Isutagga Imaaraadka  Carabta oo ku yaalla  dhul saxare ah , balse leh keyd shidaal oo iibgal ah, ayaa waxaa la ogsoon yahay in Soomaaliya ay taageeri weyn ka geysatay dhismaha ciidanka cirka ee dalkaasi.

Dowladda Soomaaliya ayaa u dirtay Magaalada Abu Dhabi bishii January 1972 ku dhowaad 150 askari oo ka tirsanaa Ciidanka Cirka Soomaaliya si ay tababarro xirfadoodu sareyso ay  u siiyaan ciidamada cirka dalkaasi , kadib Soomaaliya waxaa tababaridda ciidamada Cirka Imaaraadka la wareegay Dowladda Pakistan .

Soomaaliya waxa ay sidoo kale caawinaad milatari, mid diblomaasiyadeed, gargaar bani’aadannimo iyo deeq maaliyadeed u fidisay dalalka Saldanada Cumaan, Boqortooyada Saudi Arabia, Iraq , Kuwait, Namibia , Mozambique , South Africa, Zimbabwe iyo kuwa kale .

JAWHAR.COM