Xoghayihii Guud Ururka Iskaashiga Islaamka oo iscasilay

Xoghayihii Guud Ururka Iskaashiga Islaamka Iyad Abadi ayaa iska casilay xilka kadib markii sida la sheegay ay la soo gudboonaatay arrimo caafimaadkiisa la xiriira.

Iyad Abadi oo 70 jir ah  ayaa xilka Xoghayenimada Ururka Iskaashiga Islaamka qabtay Sanadkii 2012 kii, waxaana la sheegay in isaga iyo Madaxweynaha Masar  Abdul Fataah Siisii ay xagga siyaasadda isaga soo horjeedeen kadib markii Xoghyaha Xilka ka degay uu dhaliilay siyaasadda Madaxweyne Siisii uu dalka Masar ku hogaamiyo.

Dhanka kale bayaan ka soo baxay Boqortooyada Sacuudiga ayaa lagu sheegay in xilka uu baneeyay Iyad Abadi ay ay u sharaxday  Yuusuf  bin Axmed  Al –Osameyn  oo hore u ahaa wasiirka arrimaha bulshada ee Sacuudiga.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Masar ayaa soo dhaweysay musharaxa cusub ee Xilka Xoghayaha Gud ee Ururka Iskaashiga Islaamka.