Xabad joojin lagu soo afjarayo collaada Suudaanta Koonfureed oo hirgashay.

Xabad joojin lagu soo afjarayo collaada Suudaanta Koonfureed oo hirgashay

  • 24 Disembar 2017
Madaxweynaha South Sudan Salva KiirLahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Madaxweynaha South Sudan Salva Kiir

Xabad joojin ay dhawaan kala saxiixdeen dowladda Suudaanta Koonfureed iyo falaagada hubeysan ayaa ka dhaqan gashay dalkaasi, tallaabadan ayaana ah isku-daygii ugu dambeeyay ee lagu soo afjarayo dagaal sokeeye oo halakeeyay waddankaasi afartii sano ee lasoo dhaafay.

Heshiiska xabad joojinta ayaa dowladda Suudaanta Koonfureed iyo falaagada dagaalka kula jirta waxa ay ku kala saxiixdeen maalintii Khamiistii dalka Ethiopia.

Heshiiskan ayaa dhigaya in hey’ddaha gargaarka loo ogolaado inay gurmad garsiyaan dadka ay waxyeeladu kasoo gaartay collaada ka jirtay waddankaasi.

Dhowr heshiis oo horay loo saxiixay ayaa burburay, waxaana dagaalka sokeeya ee dalkaasi lagu dilay tobonaan kun oo qof, halka malaayiin kalena ay ku barakaceen.

Dhammaan isku-dayadii hore ee lagu doonayay in lagu gaaro heshiis nabadeed oo dhexmara madaxweyne Salva Kiir iyo ninka sida weyn uga soo horjeedo Riek Machar ayaa guuldareystay.

In ka badan hal malyan oo qof oo u dhalatay Suudaanta Koonfureed ayaa u qaxay dalalka dariska la ah, iyada oo hay’addaha gargaarkuna ay ka digeen cuna yari ba’an.

Xabad joojintaan ayaa ka dhigan tallaabadii ugu horreysay oo lagu guuleysto, waxaana xigi doono wadahadalo kale oo haddii guul laga gaaro, ugu dambeyn la qaban doona doorashooyin.