Lacagta cayrta oo si siman loogu kala qeeybinayo ninka iyo xaaskiisa dalkan Sweden

Si loo yareeyo khatarta ah in haweenka ay dhaqaala xumo ku timaado, ayaa siyaasiyiinta degmada Tingsryd waxaa go’aamiyeen in si joogta ah ninka iyo xaaskiisa loogu qeybiyo lacagta cayrta ah ee ay qaataan.

Degmooyin badan oo dalkaan ka tirsan ayaa lacagtaas cayrta waxay gabi ahaanba u shubaan ninka qoyskaas sidaas daraadeedna waxaa kor u kacey dhaqaala xumo soo foodsaarta haweeneyda isla qoyskaas.

Maadaama dad badan oo soogalooti ahi ay dhawaanahaan dageen degmada Tingsryd ayaa lacagaha cayrta lagu qaataa waxay si toos ah ugu dhacayeen koontada ninka.

Evelina Magnusson oo degmada Tingsryd u qaabilsan arrimaha dhaqaalaha qoyska ayaa iyadoo arrinkaas ka hadleysa waxaa ay tiri:

-Su’aalaha aan qoysaskaas weydiino ayaan ku bilownaa qofkee koontadiisa ay ku dhacdaa lacagta aad ceyrta u qaadataan, waxayna badanaa ku dhacdaa koontada ninka , markaas ka dib ayaan bilowney in aan u qeybino.

Degmada Tingsryd ayaa markii hore u kuurgashey dadka soo galootiga ah balse waxaa markii danbe soo baxdey in aysan iyaga kaliya ku koobneyn ee ay qoysaska kale ee asal ahaan dalkaan Sweden u dhashey taas la wadaagaan, markaas ka dib ayey degmadu bilaawdey in qoysaska degmadaas dagan oo dhan habkaas lagu wada fuliyo.