Kulan looga xaajoonayo ka hortagga falalka argagixisada oo ka dhacaya maanta magaalada Stockholm

Muddo laba toddobaad ay ka soo wareegtay falkii argagixisada ee ka dhacay bartamaha magaalada Stockholm waddada Drottninggatan ayey kulan isugu iman doonaan maanta xubno ka socda dawladda iyo xisbiyada mucaaradka ee garabka midig sidii ey uga wada xaajoon lahaayeen ka hor-tagga falalka argagixisada.

In kor loo qaado dagaalka lagula jiro argagixisada ayaa ah mid mid ey ka siman yihiin garabyada siyaasaddu. Iyadoona fikirrada laga mideeysan yahey ey ka mid yihiin wada-shaqeeyn dheeri ah ee dhex marta hayadaha kala duwan iyo sidoo kale dembiyeeynta falalka la xiriira argixisada.

Wasiirka arrimmaha gudaha Anders Ygeman (S) ayaa la filayaa inuu soo ban-dhigo fikirro la xiriira howlaha ka hor-tagga argagixisada.

Baaritaan ayaa loo saari doonaa habkii loo dembiyeeyn lahaa xiriirrada lala sameeyo ururrada argagixisada. Middaasi oo ay macnaheedu noqon kari doonto sidii sharciga loo hor keeni lahaa xiriirka lala sameeyo iyo taageerada loo fidiyo ururrada xag-jirrada. Halka dhammaantood xisbiyada garabka midig ey taabac-san yihiin fikirkaa.

Intaa waxaa dheer in la fududeeyo habka wada-sahqeeynta ee akhbaar is-dhaafsiga hayadaha kala duwan ee ciidanka ammaanka, kuwa nabad-sugidda iyo wakaaladda socdaalka, sidii ey si ka fudud isugu dhaaf-san lahaayeen akhbaaraha qarsoodiga ah. Middaan qudheeda ayey taageero u hayaan dhammaan xisbiyada garabka midig.

Kulanka ayaan lagu casumin oo dibadda ka taagan labada xisbi ee Vänsterpartiet (V) iyo Sverigedemokraterna (SD).