Lix dhalinyarro ah oo 48 saac ee la soo dhaafay ku dhintay xeebta Liido

Maamulka degmada C/casiis ee gobolka Banaadir ayaa sheegay in 48kii Saac ee la soo dhaafay ilaa Lix dhalinyarro ah ku geeriyoodeen xeebta Liido kaddib markii sida la sheegay ay baddu liqday.

Guddoomiye ku xigeenka dhinaca amniga iyo siyaasadda ee maamulka degmada C/casiis oo warbaahinta kula hadlayay xeebta ayaa sheegay in le helay meydadka Lix dhalinarro ah ah oo ay baddu qaaday shalay kuwaasi oo ku dabaalanayey meel aan xeebta ka fogeyn.

“Meydadka Lix ayaan helnay waa la aqoonsaday waxaanna ku wareejinay waalidiinta dhalay, badda ayaa qaaday xili ay ku qubeysanayeen, maanta ayaana la helay meydadkooda waa arin xanuun leh”ayuu yiri Guddoomiye ku xigeenka dhinaca amniga iyo siyaasadda ee maamulka degmada C/casiis.

Ugu dambeyntii maamulka degmada C/casiis waxa ay ka codsadeen waalidiinta Soomaaliyeed in ay carruurtooda si gaar ah uga war hayan ayaga oo ka digay in xiligan oo lagu jiro xiliga bad xiranka ay carruurta ku dabaashaan bad weynta Hindiya.