Ciyaaryahanka caanka ah ee Lionel Messi oo guursanaya gabadh ay yaraantiisii isku jeclaadeen dalka Argentine.

Ciyaaryahanka caanka ah ee Lionel Messi ayaa guursanaya gabadh ay yaraantiisii isku jeclaadeen dalka Argentine, maanta oo jimce ah.

Ciyaaryahankan u dheela kooxda Barcelona ayaa ku laabanaya magaalada Rosario si uu u guursado Antonella Roccuzzo, halkaas oo uu kula kulmay isaga oo 13 jir ah, ka hor intii uusan Spain u soo wareegin.

Wargayska Argentine ka soo baxa ee Clarín ayaa arooskan ugu yeeray “arooskii sannadka” iyo waliba arooskii qarniga”.

Ciyaartoy ay isku koox ka dheelaan Messi oo ay ka mid yihiin Luis Suárez iyo Neymar ayaa ka mid noqon doona 260 ruux oo marti sharaf ka noqondoona arrooskaas.

 

Qaar badan oo dadkaas ka mid ah diyaarado khaas ah ayay ku safreen.

Booliis dheeri ah ayaa la hawlgaliyay si ay u sugaan ammaanka agagaarka uu hoteelku ku yaallo, halka shirkad ammaanka ka shaqaysa oo gaar ah ay ka hawlgali doonto gudaha huteelka si ay uga hor tagaan in ay dad xoog ku soo dhaafaan albaabka.

Ku dhawaad 150 saxafi ayaa la siiyay ogolaansho ay kaga soo warramaan goob gaar ah oo saxaafadda loo qoondeeyay, goobta uu aroosku ka dhacayo oo dhanna looma ogolaan doono sida ay sheegeen dadka.

Messi oo 30 jir ah ayaa gabadha ay is calmadeen la kulmay markii uu shan jir ahaa.

Waxay qaraabo yihiin gabadha Lucas Scaglia oo ay saaxiibbi isku dheer yihiin Messi, kaas oo isna ciyaartoy noqday.

Lamaanahan oo hadda ku nool Barcelona ayaa isu dhalay labo wiil balse hadda is aroosaya.