Maamulka Jubbaland oo beeniyay inuu ku lug lahaa weerarkii Gaalkacyo

Maamulka Jubbaland ayaa beeniyay in ay ku lug lahaayeen weerar lagu qaaday saldhig ay ciidamada Galmudug ku lahaayeen duleedka magaalada Gaalkacayo.

Afhayeenka Maamul Goboleedka Jubbaland, C/naasir Seeraar Maax, oo Kismaayo kula hadlay warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed ayaa wax kama jiraan ku tilmaamay wararka sheegaya inuu maamulkoodu taageeray duqeyntii ka dhacday degaanka Jeexdin ee duleedka magaalada Gaalkacyo.

Seeraar ayaa beeniyay inay wax xiriir ah kala yeesheen Maraykanka go’aanka halkaasi lagu weeraray, wuxuuna tacsi u diray dadkii ku dhintay duqeynta iyo eheladii ay ka tageen intuba.

Warbaahinta gudaha qaarkeed ayaa maalmahan qortay iney Jubbaland taageersan tahay duqeyntii ka dhacday Gaalkacyo waxna ay ka ogeyd duullaanka ay diyaaradaha Maraykanka halkaasi ku qaadeen.