Haweeneey Iraqi ah oo si xun uga aargudata kooxda ISIS

Haweeney u dhalatay dalka Ciraaq ayaa sheegtay in ay noqotay mid ka mid ah dadka ay aadka uga cabsadaan Isis islamarkaana hoggaamiyaha kooxdaasi uu ugu hanjabay dil.

Wahida Mohamed Al-Jumaily, oo 39 jir ah, ayaa sheegtay in ay qoorta ka jarto oo ay kariso madaxa dagaalyahanada Isis iyadoo u aargudeeso dhimashada qoyskeeda.

Isis ayaa dilay ninkeeda labaad horaantii sanadkan, waxaana horay u dileen aabbeheed iyo saddex walaaladeed ah.

Haweeneydan oo loo yaqaan Um Hanadi, ayaa u talisa koox gaaraya 70 maleeshiyo ee dagaalka ka dhanka ah Isis magaalada dhawaan la xoreeyay ee Shirqat, oo 50 miles koonfur ka xigta xarunta ay ku xooganyihiin Isis ‘ee Mosul.

Iyadoo la hadleesa warbaahinta CNN ayaa waxa ay u sheegtay in ay la dirirto , oo ay qoorta ka jarto  madaxoodana ay kariso  , jidhkoodana kalena ay gubto marka ay gacanta ku dhigaan xubnaha ka tirsan kooxda ISIS.

Hogaamiyaha malleeyshiyada,” ayaa lagu daabacay Facebook sawiraan u muuqday in ay tusayaan iyada oo madax la jaray gacanta ku haysa , iyo mid kale oo muujinaya laba madax oo la gooyey oo dheri karkaraya ku jira. Sawir saddexaad ayaa u muujinaya iyada ag taagan meydad madaxa laga jaray oo la gubay.