Madaxweeynaha Gobolada Koonfureed iyo Gobalada madaxdooda oo shir uga furmay Mogdisho.

Madaxda dowladda federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada oo shir uga furmaya Muqdisho

by A M Tuesday, Jul 4, 2017 

July 04 (Jowhar)— Madaxda dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo kuwa maamul goboleedyada ayaa lagu wadaa in todobaadkan uu shir uga furmo magaalada Muqdisho, iyadoo shirkan looga hadlayo arrimaha siyaasada, amniga iyo qodobo kale.

Shirkan oo noqonaya kii labaad oo ay yeeshaan Madasha Hoggaanka Qaranka, tan iyo markii la doortay Madaxweyne Farmaajo, waxaa shirkii u horeeyay uu dhacay bishii April ee sanadkan, kaasoo laga soo saaray qodobo badan oo ugu muhiimsanaa dhismaha Golaha Amniga Qaranka oo Madaxda maamul goboleedyada qeyb ka yihiin.

Madaxda maamul goboleedyada ayaa lagu wadaa in maanta illaa berri ay ku soo xaroodaan magaalada Muqdisho, si uu shirka u furmo todobaadkan gudihiis, ka hor inta uusan bilaaban kalfadhiyada Baarlamaanka labada Aqal.

Madaxweynaha Puntland C/wali Gaas ayaa goor dhow lagu wadaa inuu soo gaaro magaalada Muqdisho, kaddib markii uu ka soo ambabaxay Garowe, halka madaxda maamul goboleedyada Galmudug, Hirshabeelle iyo Koofur Galbeed ayaa horay ugu sugnaa Muqdisho.

Shirkan ayaa ka furmi doona Madaxtooyada, waxaa la filayaa furitaanka shirka kaddib inay shirka ka soo qeyb galaan wakiilo ka tirsan Beesha Caalamka.