SAWIRRO: Madax Dhaqameed kasoo Jeeda Khaatumo oo gaadhay Muqdisho iyo Warar dheeraada oo kasoo baxaya

SAWIRRO: Madax Dhaqameed kasoo Jeeda Khaatumo oo gaadhay Muqdisho iyo Warar dheeraada oo kasoo baxaya

Muqdisho (Kalshaale) Qaar kamid ah Madax dhaqameedka deegaanada SSC oo ay ka midyihiin Garaad Maxamuud Mashqare, Garaad C.risaaq Garaad Soofe, Garaad Saleebaan Buraale, Garaad C.salaam Xasan Maxamed, Boqor C.laahi Dabagooye iyo Xubno kale ayaa Gaadhay magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa Halkaasi ay kula Kulmeen oo horey ugu Sugnaa Madaxwayne ku xigeenka khaatumo Cabdalle Maxamuud Haybe (Cagolule) Madaxwaynihii Hore ee khaatumo Maxamed Yuusuf Indhosheel, Xildhibaano iyo Masuuliyiin kale oo kasoo jeeda deegaanka.

Dhamaan Xubnahan Isimada ah oo Qaar kood ay kala taa bacsan yihiin Siyaasado kala duwan ayaa ka midaysan Mowqifka ay uga soo Horjeedaan Siyaasada Madaxwaynaha Khaatumo, Sidoo kalana Siyaasiyiinta iyo Waxgaradka kale ayaa Dhaliilay Qaabka loo wajahay Wahadalka Somaliland Khatumo ay la Furtay.

Waxaa iyaduna wararku ay sheegeyaan inay Halkaasi kusoo wajahan yihiin Xubno kale oo ka tirsan Golaha Guurtida ee G11, Waxaana la filayaa inay Muqdisho ku yeeshaan Kulamo ay la qaataan Madaxda Dawlada Soomaaliya iyo kuwa ay Xaalada deegaanka uga hadli doonaan.

Kalshaale.com