Madaxweynaha Gaboon oo Maanta la Caleemo saarayo

Madaxtooyada Dalka Gaboon ayaa shaacisey in maanta si rasmi ah loo caleema saari doono Madaxweynaha dalkaasi, Mr. Ali Bongo kadib markii uu ku guuleystay doorashooyinkii ka dhacay Dalkaasi, 27-kii bishii Augusto ee la soo dhaafay.

Bayaan kasoo baxay Madaxyootada Dalka Gaboon, islamarkaana uu baahiyey telefishinka Wadankaasi ayaa galabnimadii shalay lagu sheegay in Xafladda caleema saarka lagu qaban doono aqalka Madaxtooyada oo ku yaala Caasimada Gabon ee Libreville, balse Bayaanka Madaxtooyada ayaan wax faahfaahin dheeri ah ka bixinin wufuudda ka qeybgalaysa Xafladdda Caleema saarka.

Goor waqti dambe ah habeenimadii jimcaha aynu ka soo gudubnay ayay Maxkamadda Dastuuriga Dalka Gaboon ku taageertay go’aan kasoo baxay Guddiga Madaxa banaan ee doorashooyinka oo ku aadanaa guushii uu soo hooyay Madaxweyneaha oo markii labaad ku guuleystay Madaxtinimada Dalkaasi

Waxaa xusid mudan in Mr Ali Bongo uu talada Dalka Gaboon la wareegay sanadkii 2009-kii kadib markii uu helay 50 .6 % codadkii la tiriyey halka Madaxeynihii hore ee ururka Midowga afrika oo isagu la tartamayey Mr. Jean Ping uu helay 47.24% waana markii labaad uu ku guuleysanayo Mr Bongo doorashada Dalkaasi, isagoo talada sii heyn doona toddobada sano ee soo socota.