Raysal Wasaaraha Turkiga Oo Gadiidkii Galbinayay Ka Istaajiyay Aroos Waddada Laga Xidhay Hadiyad Ka Farxisayna Siiyay – VIDEO

Raysal Wasaaraha Turkiga Ben Ali Yildirim, ayaa si degdeg ah u joojiyay, kolonyadii gaadiidka ilaaladiisa ee galbinayay, kuna amray inay waddada uga baxaan aroos ka hor yimi oo ay jidka ku kulmeen, kuwaas oo sida muuqata ku xanibnaa meel ka durugsan oo loo diiday inay waddada ka gudbaan ilaa raysal wasaaruhu dhaafayo.

Raysal wasaare Yildirim ayaa amray in kolonyadiisu arooska u banayso jidka, waxaanu markii gaadhigii arooska siday soo gaadhay uu ku qaabilay salaam diiran iyo hadiyad ka farxisay oo uu gudoonsiiyay, lamaanahan arooska ah ayaa raysal wasaaraha ka cosaday inuu sawiro la galo, waxaanay dhaqaaqeen iyagoo aad u faraxsan.