Madaxweynaha Maamulka Ahlusunna oo sheegay inayna aqoonsanayn xubnaha baarlamaanka ee lagu dooranayo Cadaado – VIDEO

Madaxweynaha Maamulka Ahlusunna Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo la hadlay Warbaahinta ayaa ka hadlay Ciidamada Itoobiya ee ka baxay qeybo ka mid ah Gobolada Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya.

Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa sheegay in Dowladda Federaalka ay ku Fashilantay in ay Daboosho baahidii Ciidan ee ay ku buuxin laheyd Goobaha ay ka baxaan Ciiidamada AMISOM iyo kuwa aan AMISOM ka tirsaneyn Ee Jooga Soomaaliya.

“Dowladda Soomaaliya Mudadii ay jirtay waxaa laga rabay in ay dhisto Ciidankii Xoogga Dalka ee badali lahaa Ciidamada Itoobiya iyo kuwa AMISOM,si ay u yaraato Walaaha ay qabaan Dadka Soomaaliyeed,taasna waa la waayay oo Dowladda uu Hogaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Mas’uul ka ah”ayuu yiri Sheekh Shaakir.

Dhanka kale Sheekh Maxamed Shaakir waxaa uu ka hadlay Ciidamada AMISOM ee la geeyay Magaalada Cadaado,waxaana uu Eed u jeediyay Dowladda Jabuuti oo uu ku Eedeeyay in ay Soomaaliya u kala Hiilineyso sida uu hadalka u dhigay.