Dagaal Culus oo maanta ka dhacay Duleedka Magaalada Baydhabo

Wararka ka imaanaya Duleedka Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ayaa ku soo warramaya in dagaaal xoogan oo khasaaro geystay uu halkaas ku dhexmaray Ciidamada maamulka Koofur Galbeed iyo Al Shabaab.

Dagaalka ayaa xooggiisu waxa uu ka dhacay deegaanka Goof Gaduud oo qiyaastii 30 km u jira Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Saraakiil ka tirsan maamulka Koofur Galbeed ayaa Shabelle u xaqiijiyay in dagaalka uu aha mid aad u xoogan oo khasaaro uu ka dhashay ee soo kala gaaray labada dhinac.

Warar ayaa sheegaya in weli meesha wax ka dhaceen laga maqlayo Rasaas teel teel ah iyo Daryanka hubka Cul culus.

Walow aan khasaaraha xaddigiisa la shaacin hadana waxaa saraakiisha Caafimaadka Isbitaalka Baydhabo xaqiijiyeen in tiro dhaawacyo ah Isbitaalkaasi la gaarsiiyay.

Weli ma cadda cidda gacanta ku heysa deegaankan Goof Gaduud oo dirirtu saaka ay ka dhacday.