Madaxweynaha Philippine Rodrigo Duter oo isla meel dhigey Adolf Hitler

Madaxweynaha dalka Filipiin Rodrigo Dutere ayaa naftiisa la bar-bardhigey hoggaamiyihii Nazi-gii dalka Jarmalka Adolf Hitler, waxaana uu sheegay in uu jeclaan lahaa in uu dilo 3 milyan oo qof oo daroogiste ah.

Khudbad uu ka jeediyey dalka Vitenam oo uu booqsshu ku joogo ayaa Duterte sheegay in Hitler ina adeerkiis yahay marka la eego canbaareynta loo jeedinaayo.

Kadib markii uu sheegay in Hitler diley saddex milyan oo qof oo Yuhuud ah, ayuu yiri, “Waxaa jira saddex Milyan oo qof oo daroogada ka shaqeysta dalayga Filibiin, kuwas oo aan jeclaan lahaa in aan wada gawraco.

– Haddii Jarmalku lahaayeen Hitler, Filibiina waxay leedahay kooda, kadibna isaga ayaa farta isku fiiqey.

Madaxweynaha cusub ee Filibiin ayaa horey u ballan qaadey haddii la doorto in uu gacan bir ah ku qabanayo kuwa daroogada ka ganacsada ama sida xun u isticmaala, ugu yaraan 3000 qof ayaa la toogtey tan iyo markii uu xilka la wareegay dhamaadkii bishii Juun 2016, kuwaas oo aan maxkamad la soo taagin.

Rodrigo Duterte ayaan u jixin-jixin canbaareyn uga timid hay’adaha xuquuqda aadanaha, Qaramada Midoobey, dalalka reer Galbeedka, waxaana la xasuustaa hadalkii cayda ahaa ee uu ku yiri Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama, taas oo sababtey in uu baajiyo kulan uu la qaadan lahaa shir dalalka Aasiyada fog ay ku lahaayeen Laos.

Mr.Rodrigo Duterte ayaa horey usoo noqday Duqa magaalada Davao ee wadankaasi Filibiin, waxaana lagu tilmaamaa siyaasi xagjir ah balse hadaladiisa adag kusoo jiitay in badan oo kamid ah shacabka dalkaasi.

Duterte ayaa ballan qaaday haduu noqdo Madaxweynaha Filibiin inuu dili doono ama qisaasi doono dhamaan maxaabiista danbiyada culus galay ee xabsiyada lagu hayo, wuxuuna balan qaaday inuu sanad walba dili doono maxaabiis gaareysa kumanaan, taas oo uu ka dhabeeyey