Madaxweynaha Tanzania oo la filayo in uu maanta dalka Kenya ku yimaado booqasho

Madaxweynaha wadanka Tanzania John Pombe Magufuli ayaa lagu wadaa in u maanta oo Isniin ah ay dalka Kenya uga bilaabato booqasho rasmi ah oo qaadaneysa 2 maalmood.

Booqashadaan  uu madaxweynaha Tanzania  ku  imaanayo caasimada Kenya ee Nairobi ayaa la aaminsan yahay  in ay sii xoojineyso xiriirka ka dhexeya labada dale ee dariska ah.

Labada madaxweyne ee Uhuru Kenyatta iyo dhigiisa Tanzania John Pombe Magufuli ayaa waxyaabaha ay ka wada hadlayaan waxaa ugu horeeya xiriirka ganacsi oo ay wadagaan Kenya iyo Tanzania.  Kenya ayaa ah suuqa ugu weyn ee Tanzania ay wax u dhoofiso.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa hoos u dhacay waxyaabihii Kenya ay Tanzania u dhoofin jirtay muddo sanad ah xaddidaad dhanka Tanzania looga soo rogay darteed.

Shirkii la magacbaxay TICAD ee bishii sideedaad ee sanadkan ka dhacay magaaladatani Nairobi ayuu madaxweynaha Tanzania uusan ka soo qeyb gelin, arrintan oo loo  fasiray in xiriirka labada dal ka dhaxeya uusan aad u wanagsaneyn.

Madaxwenye John Pombe Magufuli ayaa u safray wadamada Uganda iyo Rwanda kaliya tan iyo markii uu xilka qabtay bishii tobnaad ee sanadkii  2015.

Dhanka kale madaxweynaha Tanzania inta uu ku suganyahay Kenya ayaa la filayaa in laga codsado in dowladiisu ay tageerto dadaalka ay Kenya ugu jirto in wasiirada arrimaha dibada  Aamina Maxamad laga dhigo gudoomiyaha  midowga Afrika ee AU.