Kenyatta oo Cumar Al Bashiir ka codsaday inuu taageero Amina Maxamed tartankeeda Midowga Afrika – VIDEO

Madaxweynaha Kenya Uhurru Kenyatta oo booqasho rasmi ah ku tagay dalka Sudan ayaa olole ugu jira sidii lagu taageeri lahaa Wasiirada Arrimaha Dibada Kenya Amina Maxamed oo u tartameysa guddoonka Midowga Afrika.

Madaxweyne Kenyatta ayaa kulankii uu la yeeshay Madaxweynaha Sudan Cumar Al Bashiir ay sidoo kale ka wadahadleen xaalada dalalka Soomaaliya iyo Sudaanta Koonfureed oo ay dagaalo ka socdaan.

Cumar Al Bashiir ayaa sheegay inuu dalka Sudan taageeri doono murashaxad Amina Maxamed Wasiirka Arrimaha Dibada Kenya oo u tartameysa Guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika.

Wadahadalka Kenya iyo Sudan ayaa sidoo kale la xariiray sidii loo xoojin lahaa ganacsiga ka dhaxeeya labada dal iyo waliba arrimaha la xariira Maxkamada Caalamiga ah ee ICC ee fadhigeedu yahay The Hague, Holland.

Sudan ayaa dhankeedana olole ugu jirta inay ka dhaadhiciso dalalka Afrikaanka ah inay isaga baxaan xubinimada wadamada saxiixay heshiiskii lagu hirgeliyey Maxkamada Caalamiga ah ee ICC oo ay Afrikaanka ku eedeenayaan in si gaar ah ay u bartilmaamsato hogaamiyayaasha Afrika. Madaxweyne Kenyatta iyo Al Bashiir ayaa labaduba horey dacwado looga furay Maxkamadaasi, iyadoo Cumar Al Bashiir weli dacwadiisu ay socoto.


Horseed Media