Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxda dowlad goboleedyada oo saaka u ambabaxay London

Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxda dowlad goboleedyada oo saaka u ambabaxay London

by A M | Tuesday, May 9, 2017 

May 09 (Jowhar)— Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa saaka ka dhoofay garoonka diyaaradaha Aadan cadde ee magaalada Muqdisho, iyagoo ku sii jeeda magaalada London.

Wafdiga Madaxweynaha ayaa waxaa ka mid ahaa Ra’iisul Wasaare kuxigeenka, Madaxweynayaasha maamul goboleedyada Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan, Hirshabeelle Cali C/llaahi Cosoble iyo Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf.

Sidoo kale waxaa wafdiga Madaxweynaha ka mid ahaa Wasiirka Gaashaandhigga, La taliyeyaasha Madaxweynaha iyo qaar ka mid ah howl wadeenadiisa.

Wafdiga Madaxweynaha ayaa raacay Diyaarada Turkish Airlines duulimaadkeeda tooska ah ee Muqdisho iyo Istanbul, waxaana ay caawa Transit ku noqonayaan Istanbul, iyagoo diyaarad kale ka qaadi doonta.

Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland ayaa maalmo ka hor u sii ambabaxay Nairobi, iyagoo London uga sii gudbaya, waxaana lagu wadaa inay caawa gaaraan magaalada London.

Shirka London ee looga hadlayo arrimaha Soomaaliya ayaa furmi doona 11-ka bishan oo ku beegan maalinta Khamiista, iyadoo maalinta berri ay dhici doonaan shirar horu dhac.

Madaxweynaha Soomaaliya, Ra’iisul Wasaaraha Britain iyo Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey ayaa si wadajir u shir guddoomin doona shirka.

Waxaa lagu wadaa in shirka oo ah mid hal maalin laga soo saaro war murtiyeed la xiriira taageerida Soomaaliya ee dhinacyada, siyaasada, Amniga, dib u dhiska, kobcinta dhaqaalaha iyo qodobo kale

Shirkan ayaa ah kii 3aad ee dowladda Ingiriiska marti geliso, shirkii ugu dambeeyay ayaa dhacay bishii May ee sanadkii 2013, xilligaasoo uu Madaxweyne ahaa Xasan Sheekh Maxamuud, isla markaana Ra’iisul Wasaare uu ka ahaa Britain David Cameron oo sanadkii hore is casilay.