Kuuriyada Koonfureed oo dooranaysa madaxweyne fadeexaddii ka dib

Kuuriyada Koonfureed oo dooranaysa madaxweyne fadeexaddii ka dib

A woman casts her ballot in South Korean presidential electionsLahaanshaha sawirka Getty Images

Codbixiyayaasha Kuuriyada Koonfureed ayaa codkooda ka dhiibanaya doorashada madaxtinnimada dalkaasi, taasoo xilligeeda laga soo hormariyay ka dib markii xukunka laga riday madaxweyne Park Geun-hye.

Moon Jae-in oo u janjeera afkaarta bidixda ayaa ugu cadcad musharraxiinta tartamaya, waxana kusoo xigga Ahn Cheol-soo.

Doorashadan ayaa si gaar ah isha loogu hayaa, maadaama xilligan ay taagan tahay xiisadda Kuuriyada Waqooyi.

Mr Moon ayaa doonaya in uu kordhiyo xiriirka kala dhexeeya Kuuriyada Waqooyi, si ka duwan siyaasadii Ms Park, taasoo gebi ahaanba xiriirka u jartay xukuumadda Pyongyang.

13 murashax ayay kala dooranayaanLahaanshaha sawirka Getty Images
Doorashada Kuuriyada KoonfureedLahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Moon Jae-in oo u janjeera afkaarta bidixda ayaa ugu cadcad musharraxiinta tartamaya.

Bishii Maarso ayaa Ms Park waxaa xukunka looga riday ka dib markii uu baarlamaanka dalkaasi kalsoonida kala laabtay, waxaana dhawaan lagu soo oogi doonaa dhacwado ku aaddan laaluush qaadasho iyo ku tafki fal awoodeed, eedeymahaasi oo ay beenisay.

Doorashadii Kuuriyada Koonfureed ka dhacday 2012 ayaa waxaa si dirqi ah Moon uga guulaysatay Park.

Dhaqaalaha ayaa ka mid ah waxyaabaha ay aadka uga walaacsan yihiin shacabkuLahaanshaha sawirka