Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweyne Uhuuro oo Heshiisyo ku kala Saxeesday magaalada Nairobi

Madaxweynayaasha Somalia iyo Kenya, Maxamed Cabdullhi Farmaajo iyo Uhurro Kenya ayaa maanta kullan ku yeeshay magaalada Nairobi, iyagoo kullankooda ka dib kala saxiixda heshiis dhowr qodob ka kooban.

Labada madaxweyne ayaa ka wada hadlay baahida loo qabo in la xoojiyo xiriirka labada wadan iyo ka wada shaqeynta danaha labada wadan.

Waxey ku heshiiyeen inay sii xoojiyaan hirgeliyaanna heshiiskii iskaashi ee ay labada dal kala saxiixdeen bishii July sanadkii 2015kii, ee xoogga saaray dhinacyada amniga, ganacsiga iyo maalgashiga, duulimaadka, waxbarashada, beeraha, wadaagga aqoonta iyo horumarka, horumarinta xoolaha, kalluumeysiga, dalxiiska, socdaalka, shaqaalaha iyo caafimaadka.

Heshiiska ay kala saxiixdeen labada madaxweyne ayaa qodobada ugu waaweyn waxaa ka mid ah in muddo laba todobaad gudahood ah ay bilowdaan duulimaadyada tooska ah ee Somalia iyo Nairobi, oo aaney sii mari doonin sidii hore diyaaradaha ka imanaya Somalia magaalada Wajeer.

Waxa kaloo ka mid ah in la furo xuduudaha labada waddan ee Dhobley iyo Mandhera si loo fududeeyo isu socodka iyo nolosha dadka labada wadan ee deriska ah.