Booliska UK oo sheegay inay 7 qof u xireen weerarka London

Booliska UK ayaa xabsiga u taxaabay ilaa iyo 7 qof ka dib weerarkii ka dhacay magaalada London Arbacadii oo 4 qof ay ku dhinteen.

Mas’uul ka tirsan booliska la dagaalanka argagixisada Mark Rowley ayaa sheegay in boqolaal ka tirsan booliska la dagaalanka argaagxisada ay weerareen ilaa iyo lix guri oo ku yaalla London iyo Birmingham.

“Wali waxaan aaminsanahay in ninka weerarkan soo qaaday uusan cid ku xirnayn balse uu ka shidaal qaatay argagixisada caalamiga ah”, ayuu yiri Rowley oo warfidiyeenada kula hadlay magaalada London. Booliska UK ayaa sheegay in weerarkii Arbacada ka dhacay buundada Westminster iyo bannaanka hore ee baarlamaanka dalkaasi ay u badan tahay inuu xiriir la leeyahay Islaamiyiinta.

Sarkaal sare oo ka tirsan waaxda la dagaalanka argagixisada ayaa sheegay inuu rumaysan yahay in ay garanayaan qofka weerrarka gaystay.

Shan qof ayaa dhimatay ugu yaraan 40 kalana waa ay ku dhaawacmeen kaddib markii qofkaasi weerarka soo qaaday uu gaari marsiiyay dad marayay wadada dhinaceeda, iyo markii dambana uu toorey askari boolis ah ka hor inta aanan la toogan.

Askariga dhintay ayaa waxaa lagu magacaabay Keith Palmer, oo 48 jir xaasle aabe ah.

Ra’iisul Wasaare Theresa May ayaa sheegtay in weerrarku uu ahaa mid shaydaannimo ah oo lagu qaaday xorriyadda, dimuqraadiyadda iyo xorriyadda hadalka.

Qofka weerrarka gaystay ayuusan boolisku weli magacaabin.