Madaxweyne Farmaajo oo la gudoon siiyey abaal-marin caalamiya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ku sugan magaalada New York ee dalka Mareykanka ayaa la guddoonsiiyay Abaalmarinta Sanadlaha ah ee Hoggaaminta Suubban ee Concardia.
Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa abaalmarintan la qeybsaday Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Mudane Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Eriteriya Mudane Isaias Afwerki kaalintii ay saddexda hoggaamiye ka qaateen nabadaynta iyo is dhexgalka dhaqaale ee Geeska Afrika.