Madaxweyne Farmaajo oo si wayn loogu soo dhoweeyay Addis Ababa – SAWIRO

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya  Maxamed C/laahi Farmaajo iyo wafdi ballaaran oo  uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya, halkaasi oo si weyn loogu soo dhaweeyay

Waftiga madaxweynaha waxaa garoonka ku soo dhaweeyay Ra’isul Wasaaraha Ethiopia Hailemariam Desalegn, madaxweynaha dowladda degaanka Soomaaliya Cabdi Ilay iyo Masuuliyiin sar sare oo ka tirsan dowladda Itoobiya

Booqashada oo qaadan doonto labo maalmood, waxaa madaxweyne Farmaaho uu casumaad rasmi ka helay Raysalwasaaraha Itoobiya, waxayna la xiriirta xiriirka labada dal, iskaashiga amniga iyo ciidamada AMISOM ee Soomaaliya ku sugan.


 

Horseed Media 2017