Madaxweyne Farmaajo oo Soo dhaweyntii iyo Hab maamuuskii ugu Balaadhnaa Abid Maanta loogu sameeyey Madaxtooyada Kenya – VIDEIO

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Maxamed Farmaajo oo booqasho rasmi ah ku jooga magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa maanta Xarunta Madaxtooyada dalkaasi kula kulmay dhigiisa dalka Kenya Uhuru Kenyatta.

Farmaajo ayaa kahor inta uusan la kulmin Madaxweynaha Kenya waxaa soo dhaweyn heer sare ah loogu sameeyay xarunta Madaxtooyada Kenya, waxa uuna salana sharaf ka qaatay ciidamo katirsan ilaalada Madaxtooyada.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa kulan gaar ah la qaatay dhigiisa dalka Kenya Uhuru Kenaytta waxa ayna labada Madaxweyne kawada hadleen arimo dhoor ah ay kamd yhin xoojinta xariirka labada wadan, iyo la dagaalanka Al Shabaab .

Sida aan wararka ku heleyno labada Madaxweyne ayaa la filayaa in ay kala saxiixdaan heshiisyo kala duwan, waxa ayna si wadajir ah ula hadli doonaan warbaahinta si ay u faah faahiyaan waxii ay kawada hadleen kuna heshiiyeen.

Sawiro Soo dhaweynta Farmaajo Madaxtooyada Kenya.