Madaxweyne Xasan oo ka qeyb galay xuska maalinta Qaranimada Turkiga oo Muqdisho lagu qabtay – VIDEO

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu xusay maalinta Qaranimada jamhuuriyadda Turkiga oo lagu qabtay Muqdisho.

Munaasabada oo si heer sare ah loo soo agaasimay laguna xusayay 93 sano guuradiI ka soo wareegtay aasaaskii Jamhuuriyadda Turkiga ayaa waxaa Sidoo kale ka qeybgalay Xasan Sheekh Maxamuud Risul wasaare ku-xigeenka Maxamed Cumar Carte, wasiirka Amniga, wasiirka Maaliyadda, Saraakiil ciidan Danjirayaasha dalalka caalamka u fadhiya Muqdisho iyo marti sharaf kale oo halkaasi lagu casuumay.

Furitaankii xafladaasi oo laga garaacay astaanta calamada Somalia iyo Turkiga ayaa waxaa ka hadlay Danjiraha Turkiga ee Soomaaliya Mr. Elgon Bekar, isagoo mahadcelin ka dib ku dheeraaday taariikhda halgankii loo soo galay aas’aaskii Jamhuuriyadda Turkiga oo iminka loo dabaaldegayo sanadguuradeedii 93-aad iyo xiriirka u dhaxeeya labada dowladood Soomaaliya iyo Turkiga.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo hadal kooban ka jeediyay halkaasi ayaa dowladda iyo Shacabka Turkiga ugu hambalyeeyay maalinta Qaranka Turkiga.

Madaxweynaha ayaa ka mahadceliyay gurmadki dowladda iyo shacabka Turkigu ay u fidiyeen walaalohooda Soomaaliyeed, wuxuuna soo hadalqaaday booqashooyinkii taariikhiga ahaa ee madaxweynaha dalkaasi Rajab Dayib Erdogan uu ku yimid Soomaaliya.

Wuxuu madaxweynuhu tilmaamay in walaalaha Turkiga mashaariicda ay ka fuliyeen dalka ka sokow ay gacmahooda uga qeybqaateen nadaafadda iyo dib u dhiska caasimadda dalka ee Muqdisho.