Muuqaal xanuun badan oo laga soo duubay Gobalka Sanaag iyo abaaro daran oo ka taagan halkaas-VIDEO

Deegaano ka tirsan Gobolka Sanaag ayaa waxaa ka taagan Xaalad Adag, Taasi oo ay Keentay Abaar ka jirta Deegaanka, Iyadoona Xoolaha intooda badan ay dhinteen, Sidoo kalana dadka Intii Awooday ayaa Naftooda kala yaacay deegaanada ay Ku Noolaayeen.

Deegaanka FIQI-FULIYE  ayaa kamid ah deegaanada ay sida Wayn Saamaynta ugu Yeesheen Abaartu, Waxaana Halkaasi ku sugan dad Aan Awoodin inay ka Guuraan, Sidoo kalana Muuqaalka ayaa waxaad ku arki Doontaan Neef Yar oo Geel ah, Kaasi oo Caagad Biyo ah sida dadka u Cabaya, Taasi oo Muujinaysa Heerka ay gaadhay Xaalada Abaartu.