
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si kulul u cambaareeyay qaraxii ismiidaaminta ee maanta lagu qaaday Saldhig Ciidamada Jabuuti ku lahaayeen galbeedka magaaladda Beledwyeyn.
War saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha ayaa waxaa tacsi loogu diray dadkii ku dhintay weerarkaas, kuwii dhaawacmay waxaa Alle looga baryay inuu bogsiiyo, inkastoo aan war saxaafadeedka lagu sheegin tirada dadka ku dhintay iyo kuwa dhaawacmay,
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa qadka taleefanka kula hadlay Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, isagoo uga tacsiyadeeyay khasaaraha ka dhashay weerarka lagu qaaday saldhiga Ciidamada Jabuuti
War saxaafadeedka ka soo baxay Madaxtooyada ayaa lagu sheegay in kooxaha nabad diidka ay ku howlan yihiin dhibaateynta dhacabka, halka Dowladduna ay ku howlan tahay sidii shacabka loogu horseedi lahaa nabadeyn, horumar iyo barwaaqo.
Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyada weerarkii ismiidaaminta ahaa ee lagu qaaday saldhiga Ciidamada Jabuuti, waxaana gaariga loo adeegsaday uu noociisa ahaa kuwa xamuulka oo waxyaabaha qarxa lagu soo raray.