Wararkii ugu dambeeyay weerarkii Beledweyn iyo AMISOM oo sheegtay in 10 dabley la dilay

Waxaa wali adag in la helo tirada rasmiga ah ee Ciidamada Jabuuti kaga dhimatay weerar ismiidaamin loo adeegsaday gaari xamuul ah oo maanta lagu qaaday saldhig ay ku leeyihiin Xaafada Howl-wadaag ee magaalada Beledweyn.

Goob joogayaal ayaa sheegaya in dhimashada askarta Jabuuti ay ka badan tahay shan askari, waxaana mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Beledweyn ay sheegeen inay arkeen dhimashada labo askar iyo dhaawac afar kale.

Sidoo kale waxaa qaraxa ismiidaaminta ku geeriyootay dad kale oo rayid ah oo ay ku jirto gabar yar, halka tiro shan kale ku dhaawacmeen oo labo carruur yihiin.

Saldhiga la weeraray iyo goobo ka ag dhow ayaa bur buray, maadaama qaraxa ahaa mid aad u xooggan, isla markaana saameeyay dhul ka fog halka uu ka dhacay qaraxa.

War qoraal ah oo la soo dhigay barta Twitter-ka ee AMISOM ayaa lagu sheegay in gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa uu ku qarxay banaanka irida hore, isla markaana uu ahaa isku weerar la fashiliyay.

AMISOM ayaa sheegtay in la dilay 10 dabley looga shakisan yahay Al-Shabaab oo xerada soo weeraray, waxaa kaloo AMISOM tilmaamtay in xaalada tahay mid degan oo gacanta lagu haayo goobta.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qadka taleefanka kula hadlay dhiggiisa Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, isagoo uga tacsiyadeeyay khasaaraha weerarkaas ka soo gaaray Ciidamada Jabuuti.

Dadka reer Beledweyn ayaa sheegaya in ka hor qaraxa inta aanu dhicin iyo kaddib la maqlay rasaas culus, waxaana gaariga loo adeegsaday weerarka ismiidaaminta dusha sare laga soo saaray bal ama cowska ay xoolaha cunaan.

Al-Shabaab ayaa sheegtay in dhimashada ciidamada Jabuuti ay ka badan tahay 17 askari, isla markaana weerarka ay ku qaadeen saldhiga uu ahaa mid guuleystay.

qarax1 qarax2 qarax3 qarax4 qarax