Madaxweyne Xasan Shiikh oo si kulul uga hadlay dagaaladii ka dhacay magaalada Gaalkacyo

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in wax laga xumaado ay tahay in mar kale sii micno darro ah loo daadiyo dhiiga shacabka magaalada Gaalkacyo, halkaasoo uu xusay in laba kooxood oo iska soo horjeeda ay ku dagaalamayaan.

‘’Waxaan ku baaqayaa in deg-deg loo joojiyo dagaalka ka socda Gaalkacyo, wixii khilaafaad ee jirana wadahadal lagu dhammeeyo. Soomaaliya uma baahna colaad kale iyo dhiig micno la’aan loo daadiyo’’ ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa xusay in Soomaaliya ay ku jirto xaalad dib u heshiisiin iyo adkeynta dowladnimadeeda, gaar ahaan doorashooyinka dhowaan dhacaya, loona baahan yahay in laga fogaado wixii hannaankaasi carqaladeynaya.

“Soomaaliya waxay mareysaa marxalad xasaasi ah oo biseylka dowladnimadeena lagu qiimeynayo, waana nasiib darro in iyadoo la wadahali karo qori caaraddiisa xal lagu raadiyo. Ma aqbali karno in shacabka loo horseedo colaado hor leh oo qaranimadeena burburin kara’’.ayuu yiri madaxweynaha.

Waxaa uu ugu dambeyn Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ugu baaqay maamullada Puntland iyo Galmudug inay deg-deg gacan uga geystaan joojinta colaadda jirta, isagoo mar kalena xusuusiyay shacabka Soomaaliyeed inuu dhammaaday waqtigii isla xisaabtan la’aanta, lalana xisaabtami doono cid kasta oo carqaladeyneysa amniga dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Hadalka madaxweynaha ayaa ku soo beegmaya xili saaka dagaalo culus oo khasaare nafeed geystay ay ku dhexmareen magaalada Gaalkacyo qeybo ka mid ah ciidamo kala taabacsan maamulada Galmudug iyo Puntland oo ku muransan dhisme maxjar halkaas ka socday.