Sheekh Shariif oo ku baaqay in la joojiyo dagaalka Gaalkacyo

Musharraxa Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay inuu aad uga xun yahay dagaalada mar kale ka soo cusboonaaday magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug, isagoo ugu baaqay dhinacyada dagaalamaya inay dagaalka joojiyaan.

“Marxaladdan aan joogno waxaan dhihi karaa waa nasiibdarro in deegaannadaas ay mar kale ka soo cusboonaadaan dagaallo, waxaan u baahan nahay in aan xoojinno nabadda, is jaceylka iyo walaalnimada u dhaxeysa dadka Soomaaliyeed, waxaan ugu baaqeynaa dhammaan dhinacyada ay quseyso in ay xabadda joojiyaan, qeybaha kala duwan ee ka qeybqaadanaya dagaalladaas ama saameynta ku leh, isla markaana dadkii walaalaha ahaa ay dib u wada degaan si nabad ah, runtiina waa wax laga naxo maanta in mar kale wiil iyo gabar Soomaaliyeed oo aan waxba galabsan oo ay aheyd in ay nolol wanaagsan in ay hiigsadaan, ku dhintaan, ku naafoobaan, ku barakacaan dagaallada dhacaya”, Sidaasna waxaa yiri madaxweyne Shariif Sheikh Axmed.

Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri mar kale;- “Dagaal ahli ah waa soo aragnay dhibaatadiisa, adduunyadana waa qoomamo iyo shallaay, aakhirana waa xisaabtii Alle oo adag oo aan la ogeyn cidda ka badbaadeysa, sidaas darteed waxaan leenahay cid kasta oo ka qeyb qaadaneysa jooji, cid kasta oo ka qeybqaadan karta nabaddana waxaan leenahay gacan sii nabadda, waxaan rabnaa in ay Soomaaliya noqoto goob nabdoon oo dagaallada ka caagan dagaallada tusaalena u noqota adduunka intiisa kale”.

Ugu dambeyntii madaxweyne Shariif Sheikh Axmed waxaa uu hadalkiisa ku soo gebagabeeyay dagaal ahli ah ninna kuma guuleysto, dhinac walba waa qasaaro, waxaan leenahay caqligeennii wanaagsanaa, walaalnimadii, Islaamnimadii iyo Alle ka cabsigii intaba aan u laabano, waana in joojiyaa dagaallada ka soconaya deegaannadaas.