Madina: In ka badan 1300 oo qof oo shaqaalaha daabaca Quraanka kariimka oo shaqada laga fadhiisanyo

In ka badan 1300 oo qof oo ka shaqaynayay Madbacadda Quraanka ee Boqor Fahad oo ku taal Madina al-Munawara ayaa lagu wargeliyay in shaqada laga fadhiisinayo.

Waaxda maamulka shaqaalaha ee Sucuudiga ayaa amar lagu siiyay inay soo gabagabayso meel marinta shaqo ka fadhiistinta shaqaalan oo ay diyaariso habkii shaqada lagaga fadhiisin lahaa.

Shaqaalaha ayaa la faray inay iska diiwaan galiyaan wakaaladda caymiska ee Sucuudiga si ay u qaataan lacago masaariif ah oo bille ah ilaa inta ay helayaan shaqooyin kale.

Ogaysiiskan shaqo ka fadhiisinta ah ayaa kedis ku noqday shaqaalaha oo beryahanba culays haystay maadaama mushaharka dhawr bilood oo hore oo aan la siin ay weli sugayeen.

Shaqaale badan oo ayaa qabsaday qareenno u dooda si ay u helaan xuquuqdooda taas oo ay doonayaan inay kaga hor tagaan hadiiba ay dhici karto in hay’adda ay ka shaqaynayeen bixin waydo xuquuqda ay ku lahaayeen.

Waxa ugu wayn ee ay dalbanayaan waxa weeye in shaqaale ahaan loogu wareejiyo wasaaradda Awqaafta iyo Hanuuninta