Shirkadda Google oo balaadhinaysa mashruuc ay ugu samaynayso Hindiya internet wi-fi oo lacag la’aan ah

Google ayaa balaarinaysa mashruuc internet oo lacag la’aan ah oo laga samaynayo Hindiya qorshe ay ku doonayso inay hesho dad badan oo isticmaala adeegeeda.

 Adeega Internetka oo la dhaho Google Station, ayaa wi-fi siin doona saldhigyada tareenada, iyadoo la doonayo in lagu balaariyo xarumaha dukaamada iyo maqaayadaha.

Google ayaa hadda bixisa adeegyo internet dhaqso badan oo lacag la’aan ah oo ay siiso 52 saldhigyo tareen ee dalka Hindiya.

Mashruucan ayaa balaarin doona oo gaarsiin doona internetka 100 saldhig tareen sanadka dhamaadkiisa ayay sheegtay Google.Madaxa Google ee gobolka Sundar Pichai ayaa sheegay “mashruuca inuu ka mid noqon doono mashruucyada internetka ee ugu wayn ee dadka ka dhaxeeya ee Hindiya, iyo kuwa ugu wayn adduunka oo ay dad badan isticmaalaan”.

“Markii la gaarsiiyo 100 saldhigyo tareen internetka, mashruucan wuxuu internet siin doonaa in ka badan 10 milyan oo qof oo isticmaala tareenka maalin walba” ayuu sheegay.

Adeega ayaa noqon doono lacag la’aan marka hore, laakiin Google ayaa lacag ka dhigi karta mustaqbalka.

Iyadoo doonaysa inay gaarsiiso 400 oo saldhigyo tareen, waxay sidoo kale fiirinaysaa inay iskaashadaan shirkado kale si ay ugu balaartaan xarumaha tukaamada, maqaayadaha iyo meelaha kale ee kubada cagta ay ka jiraan.

Ceasar Sengupta, oo ah gudoomiye ku xigeenka qaybta loogu talogalay bilyanka qof ee macaamiisha mustaqbalka, oo lagu beegsanayo waddamada dhaqaalahoodu soo karayo: “Ilbiriqsi kasta saddex qof ayaa soo gala internetka, waxaan doonaynaa, inaan hubino inay helaan adeeg fiican.

“Laakiin bilyanka macaamiisha ee mustaqbalka wuu ka duwan yahay bilyankii hore, haddii loo sameeyo adeeg macaamiishan waxaan isku diyaarinaynaa sida adduunka uu u isticmaalayo teknoolajiyada sanadaha soo socda.”

Hindiya ayaa muhiim u ah shirkadaha technoolajiyada ee wayn- ilaa 350 milyan oo qof ayaa hadda internetka isticmaala, waxaana la filayaa inay bataan oo noqdaan 600 oo milyan saddexda sano ee soo socota.