Magaalada Minneapolis oo maanta laga sugayo musharraxa xisbiga Jamhuuriga ee madaxweynenimada Maraykanka Donald Trump (Dhegeysi)

Magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota waxaa maanta lagu wadaa inuu tago musharraxa xisbiga Jamhuuriga ee madaxweynenimada Maraykanka Donald Trump.

Trump ayaa dhowaan hadallo uu sheegay waxay ka caraysiiyeen bulshada Muslimiinta ah iyo weliba Soomaalida, oo uu si aad ah u weeraray.

Hya’adda u doodda Xuquuqda dadka Muslimiinta ah Xafiiskeeda Minnesota ayaa sheegtay inay shir jaraa’id qaban doonto.

Xafiiskaasi waxaa madax ka ah Jaylaani Xuseen. Ismaaciil Xuseen Farjar ayuu uga warramay sida uu u arjo booqashada Donald Trump.