Wasiirka arrimaha gudaha Jarmalka Thomas de Maiziere oo ku baaqay in la mamnuuco niqaabka ama indhashareerka

Wasiirka arrimaha gudaha ee Jarmalka Thomas de Maiziere, ayaa ku baaqay in qayb ahaan la mamnuuco niqaabka ama indhashareerka.

Hadalka wasiirka ayaa ku soo beegmaya maalin uun kaddib markii uu sheegay in ay sharci darro noqonayso haddii gebi ahaanba la mamnuuco indhashareerka.

De Maiziere ayaa telefishin Jarmalka laga leeyahay u sheegay in dowladdu ay dooneyso in sharciyan ay khasab ka dhigto in dumarku ay muujiyaan ama feydaan wajiyadooda.

Arrintaasi ayuu sheegay in ay muhiim u tahay is dhexgalka bulshada.

Hindisahaasi oo u baahan in uu ansixiyo baarlamaanka ayaa ka hor istaagi doono dumarka niqaaban in ay tagaan iskuulada, jaamacadaha iyo goobaha kale ee bulshada iyo waliba in ay gaabuurta kaxeeyaan.

Doodda ku saabsan mamnuucidda niqaabka ayaa kala qaybiyay xisbiga talada haya ee hoggaamiyaha dalkaasi ee Angela Merkel.