Maraykanka Iyo Midowga Afrika Oo Kawada Hadlay Ammaanka Soomaaliya

Danjiraha Maraykanka u joogta Xarunta QM, Nikki Haley iyo Madaxda Ururka Midowga Afrika iyo Ra’isul-wasaaraha Ethiopia waxay shalay Kulan wadajir ah ku yeesheen magaalladda Addis Abeba.

Kulankaasi ayaa la sheegay in looga wada hadlay Xaalladda Ammaanka ee Geeska Afrika, gaar ahaan Somalia.

Danjiraha Maraykanka u joogta QM oo ka hadashay Shir Jaraa’id oo ay iyada iyo Madaxa Siyaasadda ee Ururka Midowga Afrika, Minata Samate ku qabteen Xarunta Dhexe ee AU-da ayaa sheegtay in Danaha Maraykanka ku xiran tahay inay si wadajir ah ugala shaqeeyaan Midowga Afrika iyo Urur-gobaleedka IGAD sidii xal loogu heli lahaa Somalia.

Dhinaca kale, Wakaalladda Wararka Ethiopia ee ENA ayaa sheegtay inay Nikki Haley iyo Ra’isul-wasaaraha Ethiopia ka wada hadleen qoddobo ay ka mid ahaayeen Dadaalka Nabad-ilaaliyayaasha ugu jiraan sidii nabad loogu soo dabaali lahaa dalalka Somalia, Koonfurta Suudaan iyo guud ahaan Mandiqadda Geeska Afrika.