Mareykanka: ‘anagu ma shaacin dagaal ka dhan ah Kuuriyada Waqooyi’

Mareykanka ayaa beeniyay hadal ka soo yeeray xukuumada Kuuriyada Waqooyi oo sheegtay in Mareykanka uu ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah Kuuriyada wuqooyi.

Afhayeen u hadashay aqalka cad ee Mareykanka ayaa ku tilmaamtay wax lala yaabo hadalka Kuuriyada waqooyi ee ah in Mareykanka ay ku dhawaaqeen dagaal ka dhan ah Kuuriyada Waqooyi.

Aqalka cad ee Mareykanka ayaa uga digay Pyongyang in ay joojiso daandaansiga ka dib markii ay sheegeen in ay xaq u leeyihiin in ay soo ridaan diyaaradaha dagaalka ee Mareykanka.

Afhayeen u hadlay Qaramada Midoobey ayaa sheegay in hadalada kulul ee ay labada dhinac is waydaarsanayaan ay horseedi karaan is maandhaaf halis ah.

Kuuriyada Koonfureed ayaa dhankooda ku baaqay in jawaabaha la bixinayo ay noqdaan kuwa xikmadaysan .

Kuuriyada Koonfureed ayaa sidoo kale ka digtay in Iska hor’imaad ka dhaca gobolka uu noqon karo mid xaaladda faraha ka bixiya.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Kuuriyada waqooyi Ri Yong-ho ayaa isniintii u sheegay wariyayaasha in ay tahay in caalamka ay ogaadaan in Mareykanka ay ku dhawaaqeen dagaal ka dhan ah dalkiisa.

Maalmihii ugu danbeeyay ayaa waxa hadalo kulul is waydaarsanayay madaxda Kuuriyada wuqooyi iyo Mareykanka.