Madaxweyne Farmaajo oo safar ugu baxay Boqortooyada Sucuudiga

Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaaliga ah, Maxamed Cabdullaahi Maxamed iyo wefdi uu hoggaaminaayo ayaa maanta oo Salaasa ah u baxay Boqortooyada Sucuudi Caraabiya, kadib markii uu casumaad rasmi ah ka helay Boqor Salmaan Bin Cabdicasiis, sida uu warbaahinta u xaqiijiyey Wasiirka Warfaafinta Cabdiraxmaan Cusmaan.

Boqortooyada Sucuudiga ayaa wefdiga Madaxweynaha u soo dirtey diyaarad khaas ah taas oo ka qaadey magaalada Muqdisho, maadaama Dowaldda Soomaaliya aysan lahayn diyaarad.

Safarka Madaxweynaha ayaa qaadanaaya muddo labo maalmood ah muddada uu joogo Madaxweynuhu dalka Sucuudiga waxa uu kulamo la qaadan doonaan Boqorka Sucuudiga Salmaan Binu Cabdi Casiis iyo dhaxal sugaha boqortooyada Maxamed Binu Salmaan.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) ayaa ka warbixiyey safarka Madaxweynaha, waxa uuna sheegay in safarkan shaqo ee madaxweynaha uu dabo socdo safarradii hore ee u ku tagay dalkaas kuwaas oo lagu xoojinayey dhaqaalaha, amniga iyo maalgashiga.

Waa safarkii saddexaad ee Madaxweynuhu ku tago Sucuudiga tan iyo markii la doortey muddo 8 bilood ah ka hor, Boqortooyada Sucuudiga ayaa Soomaaliya u ballan qaadey mashaariic ku kacaysa Malaayiin Dollar ka hor Xiisadda dalalka Khaliijka oo Xukuumadda Federaalku sheegtey in ay tahay dhex-dhexaad taas oo loo arkey mid ay ku taageereyso dalka Qatar, Dowladdaha xubnaha ka ah Federaalka Soomaaliya qaarkood ayaa ka horyimid go’aanka Xukuumadda waxaana ay ugu baaqeen in ay raacdo halka danta Soomaaliya ay ku jirto, waxaa la aaminsan yahay in Madaxweynaha iyo Sucuudigu ay ka wada hadli doonaan xiriirka labada dal iyo weliba Xasaradda u dhexeysa dalalka kuwada jirey Khaliijka oo Masar lagu daray.

Madaxweynaha waxaa safarkiisa ku weheliya qaar kamid ah golaha wasiirada iyo shaqaalaha xafiiska Madaxweynaha.