Mareykanka iyo Ruushka oo heshiis ka gaaray colaada Siiriya – SAWIRO

Mareykanka iyo Ruushka ayaa ku heshiiyay qorshe loogu talagalay in lagu dhameeyo colaadda ka aloosan gudaha waddanka Suuriya, iyo bilowga hannaan siyaasadeed oo ku meelgaar ah.
Xoghaya Arrimaha Dibadda Mareykanka, John Kerry, ayaa sheegay in qorshaha ay ka mid tahay 7 maalmood oo xabbad joojin ah oo dalka oo dhan ka hirgasha, kana bilaabato markii ay qoraxda dhacdo maalinta Isniinta ah.
John Kerry ayaa sheegay in heshiiskan ay suuragal tahay inuu noqdo midkii soo afjari lahaa colaadda ay ku dhinteen dadka badan ee gaaraya 500,000 ee qof.
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Ruushka, Sergei Lavrov, oo laga tarjumayo ayaa dhankiisa heshiiska ku tilmaamay mid la taaban karo oo wax ku ool ah, waxa uuna intaa raaciyay in Moscow ay mar horaba u sheegtay Madaxweyne Asad-ka Suuriya inuu adeeco.
Dhanka kale ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Suuriya, Steffan de Mistura, ayaa sheegay in isfahankan uu la xiriiro soo celinta heshiiska hakinta colaadda ka socota Suuriya, iyo in marin loo baneeyo gargaarka bini’aadamnimo

U.S. Secretary of State John Kerry and Russian Foreign Minister Sergei Lavrov look toward one another during a press conference following their meeting in Geneva, Switzerland where they discussed the crisis in Syria September 9, 2016.REUTERS/Kevin Lamarque

 

U.S. Secretary of State John Kerry and Russian Foreign Minister Sergei Lavrov hold a press conference following their meeting in Geneva, Switzerland where they discussed the crisis in Syria September 9, 2016. REUTERS/Kevin Lamarque

.

U.S. Secretary of State John Kerry and Russian Foreign Minister Sergei Lavrov (R) shake hands at the conclusion of their news conference following their meeting in Geneva, Switzerland where they discussed the crisis in Syria September 9, 2016. REUTERS/Kevin Lamarque

U.S. Secretary of State John Kerry (L) and Russian Foreign Minister Sergei Lavrov meet in Geneva, Switzerland, to discuss the crisis in Syria, September 9, 2016.REUTERS/Kevin Lamarque

U.S. Secretary of State John Kerry (L) and Russian Foreign Minister Sergei Lavrov take their seats during their meeting in Geneva, Switzerland, to discuss the crisis in Syria, September 9, 2016.REUTERS/Kevin Lamarque