Ergeyga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Micheal Keating oo rajo xumo ka muujiyay in Doorashada Soomaaliya ay dhacdo Waqtigii la filayay

Ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Micheal Keating ayaa rajo xumo ka muujiyay in Doorashada Soomaaliya ay dhacdo Waqtigii la filayay horeyna loo qorsheeyay.

Micheal Keating aya cadeeyay in Beesha Caalamka aysan ogolaan doonin in uu yimaado khilaaf Siyaasdeed oo sababi kara in doorashada Soomaaliya ay ku timaado dib u dhac .

Waxa uu sheegay Micheal Keating sheegya in jadwalkii horey loo qorsheeyay ee Doorashada Soomaaliya uu ka muuqdo dib u dhac, waxa uuna cadeeyay in Beesha Caalamka iyo Ururada Bulshada aysan aqbali dooni dib u dhac mar kale ku yimaada Doorashada.

” Lama aqbali karo khilaaf Siyaasadeed oo dib u dhac mar kale u keena Doorashada Soomaaliya, Beesha Caalamka iyo Ururada Bulshada marnaba raali kama ahan in mar kale dib u dhac ku yimaado waqtigii doorashada loo qorsheeyay” Ayuu yiri Danjire Micheal Keating.

Magaalada Muqdisho waxaa ka socda Shir albaabada u xiran yihiin ay leeyihiin Hogaamiyaasha Madasha Wadatshiga Qaran, waxaana lasoo sheegaya ain ay jiraan qodobo ay isku mari la’yihiin Hogaamiyaasha shirsan taa oo sababi karta in doorashada ay dib u dhacdo.