
Waxaa jira calaamado muujinaya in ay sii kordhayso xiisadaha u dhaxeeya Mareykanka iyo Ruushka ee arrinta Suuriya, kaddib afar maalmood markii ay dalkaasi ka dhaqangashay xabbad joojin dalka oo dhan ah.
Mareykanku laf ahaantiisa waxa uu walaac ka muujiyay dib u dhaca ku yimid gargaarka bini’aadamnimo ee la gaarsiin lahaa magaalada Xalab iyo deegaanada kale ee go’doonsan.
‘Qorshe labaad ma jiro’
Haddii xabbad joojinta ay sii socoto muddo todoba maalmood ah, Mareykanka iyo Ruushka ayaa waxa ay isla garteen inay wadajir u weerraraan kooxda Jabhat Fateh al-Shaam, taasi oo horay loo oran jiray al-Nusra Front, iyo kooxda isugu yeerta Dowladda Islaamiga ah.
Jimcihii, Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka John Kerry iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Ruushka Sergei Lavrov ayaa khadka taleefanka uga wada xaajooday dhibaatada Suuriya.
Mr Kerry ayaa uga digay Moscow in howlgalka milateri ee Mareykanka iyo Ruushka ay wadajirka u qorsheeyeen uusan dhici doonin ilaa gargaarka bini’aadamnimo uu ka gaarayo gudaha Suuriya.
Qaramada Midoobay ayaa sheegaysa in ay weli sugayso in loo ogolaado sidii ay gargaar ku gaarsiin lahaayeen magaalada go’doonsan ee Xalab.
20 gaari oo ah nooca xamuulka qaada ayaa tan iyo Isniintii sugaya marin ammaan ah oo ay kaga gudbaan Turkiga oo ay ku gaaraan Bariga Xalab ee ay fallaagada Suuriya maamusho.