Trump oo kiciyay khilaaf hor leh oo hubka ah kadib markuu soo jeediyay in kooxaha ilaaliya Mrs Clinton ay iska dhigaan hubka oo ay “arkaan waxa ku dhaca”.

Musharaxa madaxtinimada Mareykanka ee Xisbiga Jamhuuriga Donald Trump ayaa wajahaya dhaleecayn kaddib markii uu u muuqday in uu markii labaad tilmaamay sidii lagu khaarijin lahaa musharaxa Xisbiga Dimuqraadiga Hillary Clinton.

Mr Trump ayaa soo jeediyay in kooxaha ilaaliya ammaanka Mrs Clinton ay iska dhigaan hubka oo ay “arkaan waxa ku dhaca”.

Waxa uu u sheegay taageerayaashiisa in haweenayda ay ishayaan ay doonayso “inay burburiso wax ka badelka labaad” – isagoo ula jeeday xuquuqda ay dadka Mareykanka u leeyihiin inay hub haystaan.

Taageerayaasha Hillary Clinton, ayaa cambaareeyay ninka ay isku hayaan doorashada madaxtinimada Mareykanka, Donald Trump, waxa ayna ku eedeeyeen “inuu dhiirigalinayo in dadka ay qalalaase sameeyaan”.

Maareeyaha ololaha Mrs Clinton, Robby Mook, ayaa sheegay in hadallada Trump ay yihiin kuwa aan la aqbali karin, ayna yihiin tusaalihii ugu dambeeyay ee kicinta iyo ku boorinta dadka falal qalalaase ah oo uu maalqabeenka baritaarayo.