Maraykanka oo sheegay in 9 qof oo ka tirsan al-Shabaab ay ku dileen Gaalkacyo – DHEGEYSO

Afhayeen u hadlay waaxda gaashaandhigga Mareykanka, captain Jeff Davis, ayaa shir jaraa’id oo Arbacadii qabtay, waxa uu ka hadlay duqeymo ay ciidamada Mareykanku ka gaysteen qeybo ka mid ah gobollada Mudug iyo Jubbada Hoose, halkaas oo ay sheegeen inay ku beegsadeen xubno ka tirsan ururka al-Shabaab. Jamaal Axmed Cismaan ayaa noo soo koobaya.